Jeneraal Caanood: Alshabaab Waanu Ka Nadiifineynaa Labada Shabeele

0

caanood-466x350Muqdisho(AGGM) Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay howlgallo lagu baadi goobayo haraadiga Al-shabaab ka wada deegaannada hoostada gobollada Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe, kaasi oo ay si weyn ugu riyaaqeen shacabka labadaasi gobol ku dhaqan.

Weji cusub oo hor leh ayuu lahaa howlgalka oo maalintii afaraad galay kaasi oo ka socday  deegaano iyo tuulooyin ka kala tirsan gobollada Shabeellooyinka, Ciidamada gaaska koowaad iyo saraakiishood oo saf balaaran ku jiray ayaa isku fidiyey deegaanno hor leh oo ku yaala gobolka Shbeelaha Hoose, gaar ahaan tuulada Basra halkasi oo la sheegey in shabaabku ay uga soo talaabi jireen dhanka Muqdisho ayagoo isticmaalaya doomon yar oo nuuca laashka loo yaqaano.

Ciidamada xoogga dalka oo si taxadir iyo feejignaan dagaal ku jiray ayaa ku gaafwareegay webiga ku xeeran deegaanka Basra, iyadoo dadka deegaanka ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen in kooxaha falaaga ah ee Al-shabaab xiliyada habeenkii ay tulooyinka qaar si dhuumaalaysi ah ku imaan jireen,  balse ay ka cararaan marka ay dareemaan dhaq dhaqaaqyada ciidamada Milateriga oo deegaannaadaasi ka howlgalla.

Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood Taliyaha Gaaska Koowaad ee ciidanka xoogga dalka ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay webiga jiinkiisa ka warbixiyey xogaha ku saabsan isticmaalka doomaha laashashka ah oo ay sida dhuumaleysiga ah u adeegsadaan maleeshiyaadka shabaab

Jeneraal Caanood ayaa waxaa uu sheegey in howlgalladu ay ku sii fidindoonaan dhamaan gobollada dalka, ilaa inta laga cirib tirayo haraadiga maleeshiyaadka xiriirka la leh Al-qaacidda

Dhanka kale Guddoomiyaha maamulka gobolka shbeelaha hoose C/qadir Maxamd Nuur Siiddii ayaa soo dhaweeyey howlgalkaasi maadaama si isku mid ah ay uga socdaan shabeelooyinka xilli  maanta uu degmada afgooye kula kulmay saraakiisha gaaska koowaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii kooxda shabaab oo looga itaalka roonaaday dagaalladii ay ka wadeen dalka ayaa u bedeshay  in ay ku dhuumaalaystaan beeraha dhexdooda ah, kuwaasi oo marar qaar jidka u gala gaadiidka halkaasi ku safarta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allagalgaduud@gmail.com