Jaalliyadda Hiiraan Ee London Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyey Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

0

IMG_0786Muqdisho(AGGM) Jaalliyadda reer Hiiraan ee ku dhaqan magaalada London ee caasimadda Dalka Britian ayaa xalay xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,arrimaha Bani’aadannimada,haweenka iyo carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

 

Xafladan soo dhaweynta ah oo aheyd mid casho sharaf ah ayaa waxaa laga jeediyey khudbaddo kala duwan ayadoo xubno u hadlay Jaalliyadda Jowhar ee London oo xafladan iyagu soo qabanqaabiyey ayaa tilmaameen iney aad ugu faraxsanyihiin iney London Jaalliyadda ku marti geliyaan Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,arrimaha Bani’aadannimada,haweenka iyo carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya,sidoo kalena xubnaha u hadlay Jaaliyadda reer Hiiraan ee London waxey bogaadiyeen qaabka uu xiligan u shaqeynayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,arrimaha Bani’aadannimada, haweenka iyo carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo Xafladda khudbad ka jeedisay ayaa uga mahad celisay Jaalliyadda reer Hiiraan ee London sida ay usoo dhaweeyeen waxaana ay dhanka kale Xildhibaanaddu ka hadashay sida ay xiligan u socdaan howlaha Baarlamaanka oo ay tilmaantay in Baarlamaanku xiligan howlihiisa dhammaan ay yihiin kuwo ku saleysan la tashiga Dadweynaha oo dhammaanba gudiyada Baarlamaanka iyo Gudoonkaba ay si gaar gaar ah qeybaha bulshada ula tashanayaan.

Xafladan soo dhaweynta ah ee ay Jaalliyadda Hiiraan ee London u sameeyeen Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,arrimaha Bani’aadannimada, haweenka iyo carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Wafdi sare oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kusoo gebageboowday jawi farxadeed, sidan oo kale ayeyna horey xafladdo tan la mid ah xildhibaanadda ugu sameeyeen Jaalliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan London.

 

—DHAMAAD—

 

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoonka Baarlamaanka

IMG_0775IMG_0776IMG_0778IMG_0786