Afhayeenka Bare Hiiraale '' Fartaag Waa Maxbuus,Axmed Madoobena Waa Al-Qaacida ''

0

17921Kismaayo(AGGM) Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland gaar ahaan Garabka Bare Hiraale ayaa caawa saxafadda la hadlay isla markaasna eedeyn dusha uga tuurey Ciidamada dawlada Kiiniya & kooxaha u adeegaya ee sida Jeneraal Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag & Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Afhayeenka ayaa ku tilmaamay inuu Fartaag Maxbuus ku yahay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo isla markaasna uu fulinayo awaamiirta ka soo yeerta ciidamada Kiiniya,waxaana uu afhayeenku sheegey inuusan Fartaag uusan tageero ka haysan hal ruux oo ka dhashay beesha uu ka soo jeedo.

Afhayeenkani waxaa kale oo uu sheegey in shacabka Magaalada Kismaayo gumeysi ku jiraan isla markaasna ciidamada xoogga dalka Soomaliya hadda wadaan qorshihii ay gumeysigaas uga saari lahayeen,waxaana uu sidoo kale ka dhawaajiyey inay shacabka gobollada Jubooyinka gaar ahaan kuwa Kismaayo nool dhawaan maqli doonaan war ay ku farxaan.

Dhinaca kale waxaa uu eedeyn u jeediyey hogaanka Jabhadda Raaskambooni Axmed Madoobe isagoo ku tilmaamay inuu yahay Horseed Gumeysi isla markaasna ilaa yaraantiisii ku soo korey Gumeysi ,waxaana uu sheegey inuu Axmed Madoobe ku dhashay Kilinka 5-aad ee Soomaaliya isla markaasna uu burburkii soomaaliya soo galay.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeyey inuu Axmed Madoobe uu yahay Alshabaab isla markaasna uu xiriir aad u dhaw la leeyahay kooxaha islaamiyiinta ah ee Soomaaliya ka dagaalama,waxaana uu sheegey inuusan Axmed Madoobe sii joogi doonin gudaha Gobollada Jubooyinka isla markaasna ciidamada dawladda Soomaaliya hadda ku sugan yihiin duleedka Kismaayo oo ay dagaal kula wareegi doonaan.

Sidoo kale waxaa uu afhayeenku ka hadlay warar maanta saxafada qaarkeed shaacisay oo ahaa in ciidamadooda qaar ka tirsan ka baxsadeen una galeen Horjooge Fartaag,waxaana uu sheegey inaysan suuro gal ahayn inay ciidamada kiiniya isu dhiibaan,waxaana uu sheegey inuu dagaal kala dhexeyo ciidamadaasi isla markaasna aysan dhici doonin inay is dhiibaan ciidamada dawlada federaalka ahi.

Ugu dambeyntii waxaa uu afhayeenkani shaaciyey inuusan Fartaag Cod buuxa ku dhex lahayn Jabhadda Raaskambooni isla markaasna ay xabsi guri galiyeen ciidamada kiiniya ee Garoonka diyaaradaha Magaalada kismaayo ku sugani,waxaana uu sheegey inuusan Fartaag hadda ahayn nin xor ah oo mawqifkiisa cadeyn karra.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com