Warsaxaafadeed: Tacsi Qaran Innaa lillaahi Wa Innaa Illayhi Raajicuun Marxuum Danjire Sayid Shariif Cabdullaahi.

0

astaanta qarankaMuqdisho (AGGM): Tacsi Qaran, Aniga oo ku hadlaya magaca Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax shirdoon (Saacid) iyo dhamaamba Xukuumadda waxaan maanta tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed, geeridii ku timid Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Koofurta Afrika Marxuum Danjire Sayid Shariif Cabdullaahi.

Danjire Sayid Shariif waxa uu xalay ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka Koofur Afrika, wuxuuna ahaa mas’uul u taagan Dawlada iyo Shacabka Soomaaliyeed oo howlkar ah, in muddo ahna u soo shaqeynayay dawladda Soomaaliyeed, haatana u matalayay dalka Koofur Afrika.

“Geeridu waa xaq qof kastana waa dhimanayaa, waxaanse aad uga naxay geerida Sayid Shariif, maadaama uu ahaa shaqsi wanaagsan oo howlkar ah, isla markaana matilayay Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u rajeeyey bisha barakeysan ee Ramadaanka owgeed, inuu alle janadii ka waraabiyo marxuum Sayid Shariif, samir iyo iimaana ka siiyo qoyskiisii iyo qaraabadiisa.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadisho, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com