Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Safiirkii Koofurta Africa

0

Marxuum Danjire Sayid ShariifMuqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa  eheladii, asxaabtii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid  Rabbi ha u  naxaristee Marxuum Sayid Xasan Sharif Cabdullahi oo ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka Koofurta Afrika.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

Madaxweynahu Waxuu sheegay in Marxuum Sayid Xasan Sharif Cabdullahi uu ka geeriyoodey dhammaan umadda  oomaaliyeed “Inaa lilahi wa inaa ilayhi raajicuun,Waxaan leenahay Allaah Samir ha inaga siiyo Marxuumka dhammaanteen, waxa uu ka tegey dhammaan umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa Safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u matala dalka Koofurta Africa kana shaqeynayey sidii xiriirka labada dal dhidibada loogu aasi lahaa” ayuu yiri Madaxweynuhu. 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa EEBBE uga baryey inuu Jannadii fardowsa ka waraabiyo dhammaanteenna samir iyo IIMAAN naga wada siiyo. AAMMIIN

       DHAMAAD