Warsaxafadeed:Gudoonka Baarlamaanka Oo La Kulmay Madaxa Hay'adda UNHCR ( Sawiro)

0

DSC03447Muqdisho(AGGM) Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday QM.

Wafdigan ka socday QM ayaa waxaa hogaaminayey Madaxa hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga UNHCR Antonio Guterres waxaana uu Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka kala hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Soomaaliya jaarka la ah iyo caalamka.

Kulanka uu Ku simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari la qaatay wafdigan ka socday QM ayaa waxaa goobjoog ka ahaa kulanka Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhiirageliyey Madaxa hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga Antonio Guterres in ay hay’adda UNHCR ay gacan ka geysato sidii ay dib guryahooda ugu soo laaban lahaayeen qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Soomaaliya deriska la ah iyo in ay Qaxootiga Soomaaliyeed ay UNHCR u istaagto sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen.

Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in waxyaabaha wafdigan uu kala hadlay ku simaha Madaxweynaha sidii loo qaban lahaa shir u gaar ah qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ku nool.

Madaxa Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR Antonio Guterres oo isaguna dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya kala hadlayey xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Soomaaliya jaarka la ah iyo sidii wax loogu qaban lahaa hadana uu sii booqon doono xeryaha Qaxootiga qaarkood.

DSC03425DSC03428DSC03429DSC03431DSC03432DSC03429DSC03447DSC03453