Gedo: Guluf Colaadeed Oo Kismaayo Ku Wajahan & Ciidamadii Kiiniya Nafta U Yaaban (Sawiro)

0

06012013150511Kismaayo(AGGM) Inta Badan Degmooyinka Gobolka Gedo ayaa la sheegayaa inay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogan kuwaasi oo ay wadaan ciidamada dawlada federaalka ah & kuwa degaanka ee ku sugan degmooyinkaasi,waxaana la shaacinayaa inay wadaan guluf colaadeed oo ku wajahan Magaalada Kismaayo.

In ka badan 3 kun oo askari ayaa la sheegayaa inay hadda wadaan abaabulkoodii ugu dambeyeye ee ay ugu soo ruqaansanayaan dhinaca Magaalada Kismayo,waxaana ciidamadaasi la sheegaya inay hadda u dhan yihiin agabkoodii dagaalka waxaana la sheegaya in ciidamadaasi ay dhawaan gaari doonaan Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa la sheegaya inay gaadiid dagaal oo badan wataan isla markaasna ay ku wajahan yihiin degaano ka tirsan gobollada Jubooyinka halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo dawlada federaalka ah iyo kuwo degaanka ah oo halkaasi laga saarey waxaana la sheegaya in ciidamadani garabsiinayaan kuwa dawlada federaalka ah ee dhawaan ka baxay kismaayo.

Dhinaca kale ciidamadii kiiniya ee ku sugnaa gobolka Gedo oo maalmihi hore hor istaag ku sameeyey ciidamadaasi ayaa la sheegey inay ka aamuseen dhaqdhaqaaqa ciidamada dawlada iyo dadka degaanku ka wadaa gobolka Gedo,waxaana taasi ka dambeysay markii shacabka gobolka Gedo iyo ciidamada dawladu u diideen Ceelashii ay biyaha ka cabi jireen.

Ciidamada Kiiniya ee Gedo ku sugan ayaa la aaminsan yahay inay ka cabsadeen in dagaalo hor leh kaga furmaan Gobolka Gedo isla markaasna aysan wax mudo ah wax xiriir ahi dhexmarin saraakisha ciidamada dawlada federaalka ah ee Gobolka Gedo iyo saraakisha ciidamada kiiniya oo markii hore inta badan wada kulmi jirey,waxaana arrintaasi xumaatey markii ciidamada kiiniya dagaalkii kismaayo ka qayb qaateen.

Sidoo kale Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay iyadu wado abaabulo Ciidamadii Shiikh Xasan Turki intoodii ku harsanayd Jasiiradaha Raaskambooni iyo Kudhaa lagu soo xeerayo magaalada Kismaayo si ay u garabsiiyaan Jabhadda Raaskambooni,waxaana lagu wadaa in iyagana Doonyo lagu soo daabulo dhawaan iyadoo laba maalin ka hor ay doonyo qaarkood ku soo galeen Magaalada Kismaayo.

Ugu Dambeyntii Magaalada Kismaayo ayaa marti u ah dagaalo soo noqnoqda mudo ka badan 22 sano iyadoo mar kasta ay isku dagaalaan qabiilooyinka soomaaliyeed balse hadda ay dagaalka ku jiraan dad ka yimid Xeryaha Qaxootiga ,Gaarisa Gubaay & Kilinka 5-aad ee itoobiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

06012013150511

  120528037garba111garba121garba181WAR.Still038