Dowladda Soomaaliya Oo Beenisay Inay Wadahadallo Kula Jirto Abu Mansuur Roobow.

0

IMG_4165 (2)Muqdisho (AGGM): Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar sheegayay inay wada-hadallo kula jirto mid ka mid ah madaxda sare ee kooxda al-Shabaab, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warar ay sii daayeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayay in dowladda iyo Abuu Mansuur  ay dhex mareen wada-hadallo.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladda ay soo dhoweyneyso cid kasta oo ka tanaasuleysa ka mid ahaanshaha maleeshiyada al-Shabaab, ayna siineyso daryeel wanaagsan iyo nabadgelyo.

Roobow iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan al-Shabaab, oo uu ku jiro Xasan Dahir Aweys, oo dhowaan ay xirtay dowladda Soomaaliya, ayaa in dhowaaleba mucaaradsanaa horjoogaha sare ee kooxda, Axmed Cabdi Godane.

Bishii la soo dhaafay, maleeshiyo daacad u ah Godane ayaa Baraawe ku weerartay xubno ka tirsan garabka mucaaradka ah Godane, iska horimaad kaas oo dhaliyay dhimashada dhowr maleeshiyo oo labada dhinac ka kala tirsan.

Maleeshiyada daacadda u ah Godane ayaa sidoo kale dilay mid ka mid ah aasaasayaashii al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Ibraahim al-Afghani iyo sidoo kale Macallin Burhaan oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com