Dowladda Soomaaliya oo safiiro cusub u magacaawday Mareykanka Iyo QM.

0

golo-wasiro_1Muqdisho (AGGM); Dowladda Soomaaliya oo ku howlan sidii ay u dardargalin laheyd xiriirka calaamiga ah, ayaa bilaawday qorshe ay ku magacaabeyso safiiro cusub oo wakiil uga noqon doona Soomaaliya qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Dhawaan ayeey aheyd markii dowladda federaalka Soomaaliya safiro u magacaawaday dalal ay ka mid ahaayeen Itoobiya, Tanzania, Malaysia iyo Belgium, ayaa dhinaca kale warar soo baxaya sheegayaan in safiiro ay u magacaawday dalka Mareykanka iyo QM.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in safiirka dowladda federaalka ee QM loo magacaabay Max’ed C/risaaq Abuukar oo ah wiil uu dhalay wasiirkii hore waxbarashada, oo ah madaxa hay’ad fadhigeedu yahay Mareykanka oo lagu magacaabo NDI.

Sidoo kale waxaa iyana lagu wadaa in Golaha Wasiirada la horgeeyo Sahro Maxamed Cali Samatar oo horay Wasiiru-dowlle uga soo noqotay Xukuumadii Farmaajo, loona magacaabayo Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa dhalay wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya Jen. Maxamed Cali Samatar.
Magacabistan ayaa soo afjareysa qaybihii ugu danbeeyay ee magacaabista safiirada muhiimka, ee dalalka caalamka loo magacaabayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com