Dhageyso: Xildhibaanada Oo Cod Aqlabiyad Ah Maanta Ku Ansaxiyay Hindise Sharciyeedka Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka Dalka.

0

baarlamaanka2_large2Muqdisho (AGGM): Mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta ansaxiyay hindise sharciyeedka maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka oo ay maalmahan ka doodayeen.

Hindise sharciyeedkan oo ay baarlamaanka u soo gudbisay wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa waxaa uu horoy u maray labo aqrin,iyadoo gudiga loo xil saaray ay mariyeen aqrintii sedaxaad.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa khamiistii iyo sabtidii si kulul uga dooday hindise sharciyeedkan.

Gudiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha gudaha iyo maamulada gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa maanta baarlamaanka hor keenay hindise sharciyeedkan ka dib markii ku daris iyo ka dhimis ay ku soo sameeyeen.

Waxaa u codeeyay hindise sharciyeedka 137 xildhibaan 2 xildhibaan weey diideen halka sedax xildhibaana waa ay ka aamuseeen.

Hindise sharciyeedkan maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa muhiim u ah sameeynta maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_032.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com