Xog Dhab Ah: Dhaawacyadii La Geeyey Puntland Oo Badankoodu Noqdeen Ciidamadda Puntland

0

farooleKismaayo(AGGM) Sidii warbaahinta Allgalgaduud bishii la soo dhaafay Bartamaheedii Akhristayaasha u ugu soo bandhigtey in Maamulka Puntland ciidamo u direy magaalada Kismaayo ayaa la xaqiijiyey arrintaasi,Waxaana la shaacinaya in inta badan dhaawacyadii Magaalooyinka Garoowe iyo Galkacayo la geeyey ka tirsanayeen ciidamadda Maamulka Puntland.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay badankoodu ka soo jeedaan Beesha uu ka dhashay Madaxweynaha Maamulka Puntland waxaana la sheegayaa in ciidamadii beesha madaxweyne Faroole dhamaantood loo gudbiyey Magaalada Garoowe halka kuwii Jabhadda Raaskamboonina lagu daaweynayo isbitaalada Magaalada Galkacayo.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa inay tiradooda ka badan tahay 90 askari oo u badan Maleeshiyaad ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland kuwaasi oo intii uusan bilaaban dagaalka kismaayo doonyo looga gurey Magaalada Bosaaso halkaasi oo si dhuumasho ah lagu galiyey Magaalada Kismaayo iyagoo gacan ka helaya kuwa Kiiniya.

Eheladda dhaawacyadan ayaa la sheegay inay ka war haleen markii dhaawacooda la keenay Isbitaaladda Garoowe iyo galkacayo taasi oo magaalada Garoowe ka dhalisay Sawaxan iyo baroor ka dib markii dhaawaca la keenay shacabkii soo booqday u sheegeen inay ciidamo badan ku geeriyoodeen dagaaladii kismaayo taasi oo shacabku qaadan waayeen isla markaasna aaminsanayeen in askarta eheladoodu inay ciidamadu ku sugnayeen degaano ka tirsan puntland.

Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa Magaalada Garoowe taasi oo dadka ku dhalisay argagax iyo naxdin ka dib markii ay maqleen inay askar badan oo ciidamada Puntland ka tirsan ku le,deen dagaaladii Kismaayo,waxaana shacabku cambaareyn u jeediyeen Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Si kastey ahaataba Madaxweyne Puntland oo ah nin ay ku fogaatey qabyaaladu ayaa u sacaba tumaya dagaalo hor leh oo ka dhaca degaano badan oo dalka soomaaliya iyadoo xiligan uu wado qorshe dagaal oo uu ku doonayo inuu ku qaado magaalada galkacayo halkaasi oo ay ku sugan yihiin masuuliyiin siyaasada qariban ee uu faroole ka wado Puntland ka soo horjeeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com