Raaskambooni Oo Dishay Sarkaal Ka Tirsana Shaqalaha ICRC Maanta

0

Cabdullaahi-QaldaanKismaayo(AGGM) Gudaha Magaalada Kismaayo waxaa wali ka socda Xasuuq ay wadaan Jabhadda Raaskambooni,waxaana Maanta gudaha magaalada si bareer ah ugu toogteen Sarkaal ka tirsanaa Shaqaalaha Hay’adda ICRC ee magaalada kismaayo,waxaana la sheegaya inay dilkaasi fuliyeen qaar ka tirsan ilaaladda Masuul ka tirsan jabhadda Raaskambooni.

Cabdilaahi Khaldaan oo ka mid ah Horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni isla markaasna ugu magacaaban Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inuu maanta amar ku siiyey inay dilaan Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Bisha Cas ee Magaalada Kismaayo isla markaasna ay falkaasi fuliyeen.

Sarkaalkan Maanta la dilay ayaa magaciisa lagu sheegey Beergeel,waxaana la sheegay inuu ka tirsanaa Saraakisha Hay’adda Bisha ee Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegay in ilaaladda gaarka ah ee Cabdilaahi Qaldaan si bareer ah u toogteen isla markaasna uu amarku isaga ka soo baxay,waxaana talaabadan aad uga xumaaday shacabka Magaalada Kismaayo.

Intaas kuma eka falalka Raaskambooni ka wadaan gudaha Kismaayo, maalinimadii shalay waxaa gudaha Magaaladda kismaayo dhac loogu geystey gaari ay leeyihiin dadka degaanku kaasi oo ay dhaceen ciidamo ka tirsanaa Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegaya in gaarigaasi ak kaxaysteen Meel huteel ah oo uu ku hor baakinnaa.

Gaarigan ayaa la sheegay in loo kaxayste Magaalada Afmadow ee gobollada Jubadda hoose halkaasi oo loo daad gureynayey dhamaan agabkii magaalada kismaayo yaalay ee dadka shacabka ahi lahayeen,waxaana la sheegaya in hadda degmooyina Dhoobley iyo Afmadow laga furay suuqyo lagu xaraasho hantidii laga dhacay Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii dilkan Maanta ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay Barakicinta Jabhadda Raaskambooni ka wadaan gudaha kismaayo iyagoo Magaalada ka barakaciyey boqolaal ruux oo shacab kuwaasi oo ku ka soo jeeda magaalada kismaayo,waxaana la amiisan yahay in ciidamada kiiniya qorshahaasi ka dambeyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com