Ciidamada Xooga Dalka Oo Argagixisada Kala Wareegay Deegano Ka Tirsan G/Bakool

0

6642613abdd5a752d95152e27dc6f4f3Muqdisho(AGGM) Maamulka gobolka Bokool ayaa sheegay in howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi  ay kula wareegeen deegaano hor leh oo ay ku dhuumaaleysan jireen maleeshiyaadka Shabaab.

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo ka soo ruuqaansaday degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa dharbaaxyo kulul la dhacay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Shabaab,  kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Tuulo 30 km dhanka Xudur kaga began degmada Waajid ee gobolka Bakool, isla markaana 50 km u jirta degmada Ceelbarde,  iyadoo ciidamaduna ay halkaasi ka sifeeyeen haraadiga Shabaab.

Howlgalkan ayaa lagu soo waramayaa in qasaarooyin ay ka soo gaareen Maleeshiyaadka Shabaab sida uu Radio Muqdisho u sheegay gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Mayow.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Mayow ayaa yiri ‘’Ciidamadeena ka tegay Ceelbarde ayaa dagaalka ku qaaday argagixisada Shabaab ujeedaduna waxey aheyd meesha oo ah meel istiraatiijiya oo biyo ku jiraan waxaana ku guuleysanay inaan ka fogeyno biyihii oo ay u kala cararaan howdka’’ .

Ugu dambeyntii arrintan ayaa qeyb kah howlgalada  ciidamada XDS ay dalka uga sifeynayaan haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo dhibaatooyin ba’an ku haya ummadda Soomaaliyeed ee ku sugan meelaha ay wali dalka kaga harsanyihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com