Xoogagga Wadaniyiinta Soomaaliyeed Oo Kulaalaya Duleedka Kismaayo Iyo Kenya Oo Wadnaha Farta Ku Haysa.

0

ciidamada-dowladdaCiidamada ku sugan duleedka Kismaayo oo isugu jira kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedka Jubbaland iyo meleeshiyaad kale oo fara badan oo uu hogaaminayo mujaahid Col. Bare Aden Shire (Bare Hiiraale) ayuu ujeedkoodu yahay mid qura oo ah in dalka Soomaaliya xoog looga saaro ciidamada Kenya iyo waxii la socda haddii ay diidaan in ay si akhtiyaari ah ciidda muqadaska ah ee Soomaaliya uga baxaan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in hadda la gaaray xiligii ay umadda Soomaaliyeed waxii qilaafaad ah ee u dhaxeeya iska iloobi lahaayeen si ciidamada Kenya ee ku gabanaya magaca AMISOM si wada jir ah dalka looga saaro, ayada oo ay dowladda Kenya dhankeeda ka wado olole liddi ku ah kan ay wadaan xoogagga wadaniyiinta Soomaaliyeed iyo dowladooda, wadnahana farta ku haysa.

“Soomaaliya waxay dib ugu dhacday gacan gumeysi, waxaana loo baahan yahay in meel ay joogtaba ay u midowdo sidii dalka dib loogu xoreyn lahaa,” sidaas waxaa yiri siyaasiyiin, saraakiil iyo odayaal todobaadyadii lasoo dhaafay si isdaba joog ah uga hadlayay idaacadaha gudaha iyo kuwa dibadda dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, warqad ashkato ah oo 30-kii bishii hore ee June kasoo baxday wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Soomaaliya, kuna socotay Danjire Ramtane Lamamra oo ah ninka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Nabadda iyo Xasilinta Amniga, laguna war-geliyay Dr. Nkosana Dlamini Xuma oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Mahamat Saleh Annadif oo ah ninka sida gaarka ah Midowga Afrika ugu qaablisan arrimaha Soomaaliya, iyo Lt. Gen. Andrew Gutti oo ah madaxa howlgalada ciidamada AMISOM ee uu fadhigiisu yahay Muqdisho, ayay si Diblumaasiyadi ku jirto waxay dowladda Soomaaliya u dalbatay in si deg-deg ah ciidamada Kenya ee ka howl gala gala gobolada Jubbooyinka (Sector 2) in lagu bedelo ciidamo Afrikaan ah oo dhex-dhexaad ah iyo in si deg-deg ah loo sii daayo Col. Cabaas Ibraahin Gurey oo ay ciidamada Kenya si sharci daro ah u xirteen.

Isku soo duuboo, in kasta oo Soomaali badan ay u muuqato in aanay dowladda Soomaaliya jawaabtii la rabay aanay wali ka bixin xad-gudubyada iyo xasuuqa joogtada ah ee ay ciidamada Kenya shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka ku hayaan, haddana waxaa la rumeysan yahay in warqadda ashkatada ah ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kasoo baxday ay wax weyn ka badali doonto xaaladda murugsan ee gobolada Jubooyinka.

————–
Cabdi Faarax
Muqdisho,Somalia

Source:AOL

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com