Saraakiil Amisom Ka Socda Oo Safar Shaqo Ku Tagay Magaalada Baladweyne Maanta (sawiro)

0

DSC05780Muqdisho(AGGM) Saraakiishan ka socota booliska AMISOM oo maanta gaaray magaalada b/weeyne ayaa kulamo la qatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka hiiraan iyo saraakiisha ciidamada booliska soomaaliyeed ee ku sugan magaalada b/weyne.

Kulamadaasi ayaa waxa ay ka dhaceen xarunta saldhiga booliska ee magaalada b/weyne. Waxaana looga hadlay sidii layskaga kaashan lahaa arrimaha amaanka iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab oo wali gacanta ku haysa inta badan Gobolka hiiraan,waxaana laysla gartey in arrimahaasi sida ugu macquulsan loo wajaho Iyo sidii tababarka ciidamada dawlada ee gobolkaasi loo siin lahaa boolis iyo mileteri ba.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in saraakiishan ka socotay AMISOM ay ka wada hadleen sidii ciidamada booliska ee ku sugan gobolka hiiraan loo siin lahaa tababaro iyo agabka kale oo ay u baahanyihiim.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka hiiraan ayaa intaasi ku daray in saraakiisha ka socday booliska AMISOM ay sidoo kale ka wada hadleen sidii ciidamo boolis ah oo ka socda AMISOM loo geeyn lahaa gobolka hiiraan gaarahaan magaalada b/weyne,si ay uga qeyb qaataan amniga magaaladaasi.

Ugu dambeyntii waa markii u horeeysay oo saraakiishan ka socota AMISOM ay gaaraan magaalada b/weyne oo ay ka howl galaan ciidamo ka socda dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti qeybna ka ah ciidamada AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC05779DSC05780DSC05783