Ra’iisul wasaaraha oo Maanta Daah-furay Qorshe Wax looga Qabanayo Ammaanka Muqdisho:-WARSAXAAFADEED

0

saacidMuqdisho(AGGM) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada, Gudoomiyaha gobolka banaadir, Taliyayaasha ciidamada, iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka banaadir ayaa si rasmi ah u furay barnaamij mudo laga soo shaqaynayey oo lagu xoojinayo amaanka caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladu todobadii bilood ee ugu danbaysay ay wax weyn ka qabatay amniga,walow ay jireen falal amniga lagu wax yeelaynayo oo dhacay,

“Dawladu waxay mudnaanta kobaad iyo tan labaadba siisay amaanka, waxaana nala soo weeraray maalin cad, dagaalka na haystana waa mid caalami ah, dagaalka lugula jiro nabad diidku waa inuu noqdo mid balaaran oo laga wada qayb qaato, Todobadii bilood ee ugu danbaysay amaanka waxaan galinay waqti badan balse kamaanaan bad baadin qaraxyo iyo dilal” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

“Xukuumadu waxay balan qaadaysaa in ay ciidamda Booliska ay helaan mushaaradkooda si joogta ah laga bilaabo bishaan. Waxay sidoo kale helayaan gunooyin iyo raashin, mana noqon doono mushaarkaas mid ay Hay’ado bixiyaan. Waxaa kale oo dawladu diyaarisay dhamaan agabayadii ay ku howl gali lahaayeen ciidamadu, lixda bilood ee soo socota waxaan ku rajo weynahay in caasimada amaankeeda uu noqdo mid ka wanaagsan meesha uu maanta taagan yahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu isagoon dhanka kalana xusay in qorshahaan hada la bilaabayo ay dadweynuhu ka qaataan kaalin mug leh,

Dhanka kale, Gudoomiyaha gobolka banaadir Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay qaabka ugu haboon oo amniga caasimada lagu xoojin karo, iyo sida looga gudbi karo caqabadaha soo noq noqday ee khatarta ku ah amniga Muqdisho

“Dhamaan degmooyinka gobolka waxaan ka bilownay darisayn, waxaana ilaa hada lagu guulaystay 14 degmo, dhamaan waxaa laysku xirayaa qaybaha kala duwan ee bulshada, markii aan soo dhamaystirno barnaamijkaan darisaynta ah, waxaan rajo fiican ka qabnaa in si buuxda loo soo celiyo amniga magaalda” ayuu yiri mudane Tarsan oo dhanka kalana xusay in caasimada Soomaaliya ay ka amaan fiican tahay caasimadaha Baqdaad iyo Kaabuul, balse la sheego in Muqdisho ka khatar badan tahay, taasna ay sabab u tahay hubka faraha badan ee lagu dhex wato.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikariin Xusein Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in labadii munaasabadood ee qaranimadda Soomaaliya ay dowladu ka hortagtay in amaanka la waxyeeleeyo.

“Hadii aysan jirin bulsho ku xiran gudoomiyayasha degmooyinka iyo taliyayaasha kala duwan way adagtahay in amaanka wax laga qabto, waana in la dhiso guddi amni oo heer degmo ah, markii gobolka Banaadir uu soo dhamaystiro barnaamijka darisaynta ayaan u samaynaynaa qorshe wax looga qabanayo nabad ku soo dabaalida caasimada.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu jiro qorsha kale oo loogu magac daray Shabeel, kaas oo ay xukuumaddu dhamaystirtay, dowladuna ay dhawaan daah furi doonto, qorshaana ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku macneeyey inuu noqon doon mid guud ahaan looga xoraynayo kooxaha nabad diidka ah dalka, si ay gobolada isugu furmaan dadkuna u helaan nabad galyo taam ah.

DHAMAAD