Wararki Ugu Dambeeyay Iyo Dagaalki Magaalada Gaalkacyo Ee Ka Dhanka Ahaa Faroole.

0

top newsGaalkacyo (AGGM): Wararki ugi dambeeyay ee kasoo baxaya dagaal maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu udhaxeeyay ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland iyo sidoo kale shacab diidan Xisbiga Horjoogaha maamulka Puntland.

Xaalada Magaalada ayaa hada dagan iyadoo shacabkii iyo ciidankii ku dagaalamay magaalada ay kala dabqaateen.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in uu jiro khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalka udhaxeeyay,waxaana lasoo sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay gaarayaan ilaa 10-ruux.

Rayidka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Saraakiisha dhanka ammaanka ee Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa ilaa iyo iminka ka hadlin dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee udhaxeeyay dadka diidan xisbiga horjooge Faroole iyo Booliiska.

Xisbiga Horjoogaha maamulka Puntland ee Horseed ayaa muddooyinkaan dambe waxa uu olole siyaasadeed oo ballaaran uu ka waday Magaalooyinka deeganada maamulka Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com