Maleeshiyaadka Raaskambooni Oo Caawa Ganacsade Ku Dilay Kismaayo

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo(AGGM) Maleeshiyaadka Raaskambooni ee laga soo aruuriyey Gaarisa Gubaay iyo Kilinka 5-aad ayaa caawa dil toogasho u geystey nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Kismaayo isla markaasna Dhamaan wixii alaab bakhaarkiisa yaalay gaari daba u gashaday.

Ganacsadahan oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Kisamayo isla markaasna lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Ceelbuur ayaa la sheegay in ciidamo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Kismaayo ku dileen gudaha Bakhaarkiisa xilli uu rabay inuu Bakhaarka Xiro,waxaana la sheegay inay ku amreen inuu banaanka uga soo baxo Bakhaarka balse amar diido uu sameyey ay rasaas ku fureen.

Alla ha u naxariistee Marxuumkan ayaa la sheegayaa inuu ahaa nin si weyn uga dhex muuqday bulshada reer kismaayo gaar ahaan Ganacsatadda,waxaana la sheegayaa inuusan isagu kooxaha dagaalamaya wax lug ah ku lahayn,waxaana lagu dilay boob lagula kacayey hantidiisa.

Falalka Boobka iyo dhaca ka socda Magaalada kismaayo ayaa ahaa kuwo si xiriir ah u socday labadii Maalmood ee la soo dhaafay,waxaana la sheegayaa in dhamaan alaabtii Magaalada Kismaayo taalay loo daabulay Magaalooyinka Dhoobleey iyo Afmadow,waxaana la xaqiijinayaa inay maleeshiyaadka Raaskambooni  si bareer ah u dhacayaan hantida Shacabka.

Meelaah boobka ugu daran ka socdo waxaa weeye guryaha ay ka qaxeen dadka shacabka ahi,waxaana la sheegayaa in dhamaan alaabtii taalay la daabushay isla markaasna loola dhaqaaqay degaanadda Dhoobley iyo Afmadow halkaasi oo ay maleeshiyaadka Raaskambooni ka soo jeedaan.

Ugu dambeyntii kooxda dilka u geysatay Alle Ha Naxariiste Cabdulaahi Ceelbuur ayaa la sheegayaa inay rarteen dhamaan raashinkii iyo alaabtii Bakhaarkaasi taalay,waxaana la xaqiijinaya inay halkaasi ka tageen markii ay alaabtii oo idil rarteen, shacabka kismaayo ayaa la yaaban hab dhaqanka Maleeshiya Beeleedka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com