Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Cusub ee Britain ( Sawiro)

0

IMG_4184Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga kala wareegey Safiirka Cusub ee Dowladda UK ay u soo magacowday dalka Soomaaliya Mr Neil Wigan. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam ayaa goob joog ka aheyd kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Safiirka UK.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska sida ay doorka hoggaamineed uga qaadatay Soomaaliya oo ay marwalba garab-taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka cusub ee UK ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey ka guddoonka waraaqihiisa aqoonsiga, isla markaana soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin uu uga waday Ra’iisul Wasaaraha UK oo sheegaya in Dowladda Ingiriisku ay ka go’antahay sidii loo saacidi lahaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u rajeeyey Safiirka cusub Neil Wigan inuu howshiisa u guto si wanaagsan oo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

Kulanka ka dib ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo Safiirka cusub ee UK ay shir jaraa’id si wadajir ah ula hadleen warbaahinta.

          DHAAMAAD –

DSC08389DSC08392IMG_4166IMG_4174IMG_4168IMG_4179IMG_4184