Kabkuuyo Ma Aysan Guuleeysan Ee Waa Ay Fashilmeen.

0

new kuukuye familyMaalmahan dambe waxaa shaashadaha iyo idaacadaha saarnaa amaba laga dhageeysanayay dagaalada ka socday magaalada Kismaayo ee u dhexeeyay maleeshiyo beeleedka Kablalax “Raaskambooni” oo garabsanayay ciidamada Kenya iyo dadka Soomaaliyeed ee daga gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dagaalo culus oo ka socday magaalada Kismaayo mudo sadex cisho ah ayaa waxaa dhacday in ciidamada dadka daga gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay dib uga baxeen magaalada kadib marki ciidamada Kenya ay adeegsadeen Madaafiic, Diyaarado iyo Taangiyo, arrintaas marki ay dhacday ayaa dadka badankiis waxa ay iska dhaadhiciyeen dadka deegaanka daga ee isaga baxay magaalada Kismaayo in laga guuleeystay arrintaas oo ah mid xaqiiqda ka fog.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa iyaguna marki ay ka dhiidhiyeen hubka culus ee ciidamada Kenya ku garaacayeen magaalada iyo wax yeelada ay u geesteen dadka rayidka ah ayaa waxaa dhacday xataa in ciidamadi dowladda fariisimahoodi ay Ciidamada Kenya la dhaceen madaafiic iyo gantaalo diyaarado laga tuurayay.

Dhinaca kale kadib dagaalada ka socday magaalada Kismaayo marki ay ka baxeen ciidamada dadka daga gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa ka dhacay Dilal, Dhac, Kufsi iyo wax walba oo uu sameeyo qof aan rajo ka qabin in uu ku nagaado deegaan uu rajo ka qabo inuu ku noolaado.

Dadka daga gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa xaqiiqo ah in ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u difaaci lahaayeen (Qaranimada Soomaaliya) lana dagaalameen ciidamada Kenya marki ay ka diideen waxa ay soo dhoob dhoobatay ee (JUBBALAND) ee qasabka looga dhigayay dadka, haddaba waxaan qabaa dadka daga Jubbooyinka iyo Gedo inay guuleeysteen aniga oo weliba sababeenaya guulaha ay gaareen.

1- Wax Jubbaland la yiraahdo oo jiray ama jiri doonta ma ay jirto, waa ay burbureen waxii Kenya soo dhoob dhoobatay.

2- Ciidamada Kenya ee isqarinayay kana dhiganayay magaca AMISOM gabaadka oo qorshihii u qarsoonaa banaanka la soo dhigay kuna fashilmay qorshihi gumeysi ee ay la damacsanaayeen deegaanada Soomaaliyeed ee Jubbooyinka iyo Gedo.

3- Qabiilo iyo Rag badan oo u adeega Kenya oo ku biiray saaxiibadood kuwii taariikhda Soomaaliyeed baalka mugdi ah horey ugu qornaa kuna caanka ahaa u adeega cadowga Soomaaliyeed.

4- Waa hubaal Kenya iyo kuwa daba dhilifka u ah inaysan ku nagaan doonin deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo oo dhamaan dadka daga deegaanadaas oo mideeysan ay ka saari doonaan iyaga oo la gaarsiiyay jab baaxad weeyn Haduu Alle Idmo.

Hadaba waxaa xaqiiqo ah in dadka daga gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee maalmihi la soo dhaafay la dagaalamayay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo Ciidamada Kenya inay taariikhda Soomaaliyeed ka galeen Baal Dahab ah, dadki ka geeriyooday iyo kuwii ka dhaawacmayna lagu xusi doono taariikhda Soomaaliyeed, halka kuwa kalena ay yihiin kuwo aan inaba ha yaraato’e la xusi doonin.

Isku soo wada duuboo magac iyo musiibaba maalin ayay baxaan maalin aan akhrinayay shabakadan allgalgaduud.com ayaa waxaan ku arkay magac loo bixiyay kooxahan ku midoobay magaca Raaskambooni kaa oo ahaa (Kabkuuyo) aniga oo la yaabanaa markaa baa hadana magaci dib iigu soo dhacay kooxdan waa Kabkuuyo.

new kuukuye family

Haddaba Waa Su’aale Imisuu Uhuru Kenyata Dhabarka Ku Sidayaa Raggan Isku Beesha Ah, Weliba Anagoo Eegayna Sida Loola Dhaqmo Kuwooda Ku Nool Waqooyi Bari Kenya?

Faarax Saciid Sooyaan
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com