Saraakisha Ciidamada Kiiniya & Raaskambooni Oo Wajahaya Maxkamad Dambiyadda Dagaalka

0

icca_logoKismaayo(AGGM) Ka dib dagaalo khasaare badan sababay oo maalmihi la soo dhaafay galaaftey nolosha dadka ka badan 100 ruux oo u badan shacab ayaa la sheegaya in hay’daha xaquuqda aadanaha u doodaa ay qoraalo ka diyaariyeen dagaaladii dhawaan ka dhacay kismaayo iyadoo dagaaladaasi ay ku jireen falal aad bini aadamnimadda ugu xun.

Saraakisha ciidamada dawlada kiiniya hogaamisa ayaa la sheegayaa in qoraaladda ugu daran laga diyaariyey isla markaasna lagu lifaaqay filimo iyo cadeymo cadeynaya inay dagaalkii Kismaayo ka qayb qaateen isla markaasna Madaafiic aan loo meel dayin ku garaaceen xaafadaha Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay ku naf waayeen shacab tiro badan. Waxaana la sheegaya in Maxkamadda Dambiyadda Dagaalka loo gudbiyey.

Falalka Lagu Soo Eedeyey Saraakisha Kiiniya Iyo Kooxda Raaskambooni:

Ciidamada kiiniya iyo kuwa Raaskambooni oo isgarabsanaya ayaa la shaaciyey inay weerar lixaad leh ku qaadeen markii dagaalku soo dhaamaaday xaafadaha dadka shacab ka ahi degan yihiin,waxaana filimo laga soo duubay iyagoo dilaya dad dhaawac ah, sidoo kalena dhacaya hantiida shacabka isla markaasna ku guranaya  gaadiidka waa wayn,waxaana ka mid ah qodobadan:

  1. Xasuuq Baahsan oo kismaayo laga geystey ka dib madaafiic lagu garaacay xaafadaha.
  2. Dhaawacyo tiro badan oo si bareer ah loo naf jarey
  3. Dil Haween iyo caruur oo aan waxba galabsan oo madaafiic xaafadahooda ku dhacday.

Dawladda Soomaaliya Oo Mawqif  Cad Ka Qaadatey  Ciidamada Kiiniya Ee Jooga Gudaha Soomaaliya:

Xukumadda federaalka ah ee soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday inay marar badan ku celcelisay in ciidamada kiiniya ee ku sugan gobollada Gedo iyo Jubooyinka ay gabood ka geysanayaan degaanadaasi,waxaana dawladu sheegtey in go,aankan yahay kii ugu dambeeyey ee ay ka qaadato  ciidamada dawlada kiiniya.Dhinaca kale Dawlada federalka ah ee soomaaliya ayaa la sheegey dhinaceeda ka wada Dacwad ka dhan ah saraakisha ciidamada kiiniya ee ku sugan goboladaasi,waxaana la sheegay inay u gudbisay Maxkamadda dambiyadda Dagaalka ee HAGUE.

Maamulkii Jubbaland Oo Burburay.

Maamulkii gacan ku rimiska ahaa ee loogu magac darey Jubbaland ayaa la sheegayaa inay waxgaradka iyo dawlada federaalka ahi saacadihii la soo dhaafay mawqif cad ka qaateen,waxaana la sheegaya in shacabka gobollada Jubooyinka iyo Gedo si toos ah u arkeen danaha gaarka ah ee dawlada kiiniya ka leedahay dalka soomaaliya,waxaana la sheegayaa in la iclaamyey dagaal ka dhan ciidamada kiiniya taasi oo la sheegey in hadii ciidamada kiiniya baxaan ay raaci doonaan jabhadda raaskambooni.

Ugu dambeyntii Maxkamadda Dambiyadda Dagaalka ee HAGUE ayaa la sheegayaa dacwadahaasi gaareen,waxaana la shaacinayaa in dhawaan maxkamadda dambiyadda dagaalku magaalada Muqdisho u soo diri doonto kooxo xaqiijin ah isla  markaasna u soo gudbi doona Magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com