Dhaawacyo Badan Oo Jabhadda Raaskambooni Ka Tirsan Oo La Daad-Gureynayo

0

Garoonka-Kismaayo2-600x320Kismaayo(AGGM) Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa ilaa maanta ah mid mashquul ah iyadoo lagu mashquulsan yahay daad gureynta boqolaal ruux oo u badan Maleeshiyaadka laga soo aruuriyay Kilinka 5-aad iyo Gaarisa Gubaay kuwaasi oo dhibaato xoogan ka soo gaartey Dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada kismaayo.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa soo faristey in ka badan 2 diyaaradood oo waa weyn kuwaasi oo ka soo kicitimay Magaalooyinka Nairobi Iyo Galkacayo,waxaana la sheegayaa inay dhaawacyadaasi u qaadayaan Nairobi iyo Galkacayo oo xaaladooda caafimaad laga dayrinayo.

Inta Badan dhaawacyada ayaa la sheegeyaa inay qabaan dhaawacyo culus oo u badan madaxa,waxaana la xaqiijinayaa xaaladooda caafimaad qaarkood aan waxba looga qaban karin gudaha dalka soomaaliya iyadoo loo qaadayo kuwaasi Magaalada Nairobi,waxaana la sheegayaa inay ku jiraan dhaawacyadaasi saraakil ka tirsan jabhadda Raaskambooni.

Dhinaca kale waxaa xalay iyo shalay dhaawac ahaan u geeriyooday saraakiil ka tirsan Jabhadda Raaskambooni kuwaasi oo uu ka mid ahaa nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Seeraar Maax oo la dhashay Afhayeenka Jahbadda Raaskambooni oo laftiisa xabadu ka haleeshay Madaxa,waxaana sidoo kale dhaawac ahaan u geeriyooday 6 ka mid ah ciidamada jabhada raaskambooni ilaa xalay.

Ugu dambeyntii maahan markii ugu horeysay ee Kiiniya Iyo Galkacayo loo duuliyo dhaawacyo badan oo ka tirsan Jabhada Raaskambooni oo la aaminsan yahay inuu jab balaaran ka soo gaaray dagaaladii Magaalada Kismaayo Maalmaha badan ka socday ee ay garabka ku siiyeen ciidamada kiiniya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com