Col Bare Hiiraale '' Khasab Weeye Inaanu Kismaayo Ku Laabano Saacadaha Soo Socda ''

0

barre-hiiraale2Kismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire Hiiraale oo saaka saxafada la hadlay ayaa shaaca ka qaaday arrimo badan oo ku saabsan xaalada kismaayo,waxaana uu sheegey in ciidamadiisu ay hadda ku sugan yihiin duleedka kismaayo isla markaasna wadaan abaabul ay dib ugu qabsanayaan Magaalada kismaayo.

Col Bare Aadan Shire ayaa ka hadlay Duqeymo ciidamada dawlada kiiniya shalay ka geysteen fariisimadda uu ku leeyahay duleedka Magaalada kismaayo,waxaana uu sheegey in ciidamada kiiniya ay duqeyntaasi ku dileen laba askari oo ka tirsan ciidamadiisa isla markaasna iska difaaceen oo Lidka Diyaaradaha ku garaaceen diyaaradahaasi.

Col Bare waxa uu shaaciyey in qorshahoodu yahay inay dagaal culus ku qadaan ciidamada kiiniya iyo kuwa Raaskambooni waxaana uu sheegey in ciidamadiisu diyaar u yihiin inay labada Maalin ee soo socda la wareegaan gacan ku haynta Magaalada kismaayo oo uu ku tilmaamay inay hadda haystaan ciidamada dawlada kiiniya.

Dhinaca kale Col Bare waxa uu sheegey in ciidamadisu jabhadda Raaskambooni Laba Maalin banaanka uga saareen magaalada kismaayo isla markaasna ciidamada dawlada kiiniya dib ugu soo celiyeen magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegey inuu ciidamadiisa kalsooni buuxda ku qabo uuna gacan bir ah ku qaban doono Magaalada kismaayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegey inay baaq iyo cadeymo dhab ah u direen  Qaramada Midoobay isla markaasna shaaciyeen inay ciidamada kiiniya weerar cadaan ah ku qaadeen ciidamadiisa isagoo sheegey inay dubeen xilligii diyaaradaha dagaalka kiiniya duleedka Magaalada kismaayo duqeymaha ugu geysanayeen ciidamadiisa.

Si Kastey ahaataba Magaalada kismaayo ayaa ah meel ay hadda ka barakaceen dhamaan shacabkii Magaalada kismaayo kuwaasi oo u barakacay duleedka magaalada kismaayo ka dib markii ay u adkaysan waayeen weerarada cirka ee ciidamada kiiniya ka geysanayeen Magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com