Xukuumadda Soomaaliya“Ciidamada AMISOM Waxa Ay La Safteen Dhinac Kamid Ah Dhinacyadii Ku Dagaalamayay Kismaayo”.*Dhageyso*

0

Muqdisho (AGGM): Wasiir ku xigeenka wasaarada warfafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka Cabdi Shakuur Cali Mire oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uu kaga hadlay mowfika dowlada soomaaliya ee dagaaladii labadii maalmood ee la soo dhaafay ka soconayay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada soomaaliya ay qireeyso in magaalada kismaayo ay ku wada noolyihiin shacabka soomaaliyeed oo walaalo ah oo isku dan ah,hal dowladna leh,ogolna nidaam ay u simanyihiin oo ay ku wada noolaadaan.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacayay magaalada kismaayo labadii maalin ee la soo dhaafay ay ahayeen colaad ku saleeysan hab qabiil iyo dagaal beeleedyadii lagu yaqaanay dalka soomaaliya iyo loolankii halkaasi ka jiri jiray.

“Dowlada soomaaliya waxa ay si aad uga xuntahay in ciidamada AMISOM ee midowga afrika qeybtooda labaad ee ka howl gasha gobollada jubboyinka ay la saften dhinac ka mid ah dhinacyadii dagaalamayay,taasoo keentay in ciidamada AMISOM ay magaalada ku garaacaan madaafiic iyo hub culus oo ay qasaaro ka soo gaareen dad rayid ah,islamarkaana uu ka dhashay barakac iyo dhac loo geeystay hantidii shacabka”ayuu yiri wasiirka

Cabdi Shakuur Cali Mire Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM ay xireen Col Cabaas oo ahaa abaanduulihii ciidamada dowlada soomaaliya ee ku sugnaa magaalada kismaayo.oo aan ilaa hada dowlada soomaaliya aysan ogeeyn halka la geeyay iyo meesha uu ku suganyahay,isagoo sheegay in dowlada soomaaliya ay aad uga xuntahay xariga sarkaalkasi.

“howlgalkii ay ciidamada AMISOM sameeyeen waxa uu sababay in la bartilmaameedsado xaruntii ciidamada dowlada soomaaliyed,taasoo keentay in ciidamada dowlada loo geeysto qasaaro isugu jira dhaawac,dhimasho iyo burburin xaruntoodii”ayuu yiri wasiir ku xigeenka

Wasiirka ayaa sheegay in arrimahaas oo dhan ay dowlada soomaaliyeed u aragto mid xadgudub ku ah waajibaadkii uu qeexayay qaraarkii jiciyada qurumaha ka dhaxeysa ku ogolaatay in ciidamada midowga afrika ay uga howl galaan dalka soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada soomaaliya ayaa soo jeedisay talooyinkan

1:dowlada soomaaliyeed waxa ay u aragtaa in magaalada Kismaayo la geeyo ciidamo ka kala socda dalal kala duwan oo ka mid ah midowga afrika,iyo in howlgalka sector 2 ee gobollada jubbooyinka uu noqdo ciidamo ka kala socda dalal kale duwan halka hada uu ka yahay hal dal.

2:dowlada soomaaliya waxa ay soo jeedineysaa in baaris madax banana lagu sameeyo waxyaabihii ka dhacay magaalada kismaayo,iyo qasaarihii shacabka ka soo gaaray si loo ogaado wajiga rasmiga ah ee dagaaladii dhacay.

3:dowlada soomaaliya waxa ay si deg deg ah u codsaneeysaa in la sii daayo abaanduulaha ciidamada dowlada soomaaliya oo ay ciidamada AMISOM xireen ilaa iyo hadana aysan dowlada ka war heyn meel lagu xiray,laguna soo celiyo xaruntiisii iyo taliskii uu ka howl galayay.

4:dowlada soomaaliya waxa ay soo jeedineeysaa in la magacaabo sarkaal dhinaca siyaasada u qaabilsan midowga afrika oo aan u dhalan dalka hada howlgalka u joogo gobollada jubbooyinka.

5:dowlada soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka inay sameeyso fara galin bini’aadanimo,maadaama magaalada ay ka dhacday dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah,islamarkaana aysan jirin daawo iyo dhaqaatiir ku filan dadkaasi ay waxyeeladu soo gaaray,loona baahanyahay in gaargaar deg deg ahna lala gaaro dadkaasi xabad joojina la sameeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com