Xaaskii Fartaag '' Gurigeyga Waa La Bililiqaystey ,3 Gabdhood Aan Deris Nahay Horteyda Lagu Dilay ''

0

gen.-fartaag11Kismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacday bililiqo baahan oo ay si safeyn ah u sameyeen ciidamada dawlada kiiniya oo dabada ka riixaya kuwa Jabhadda Raaskambooni,Waxaana bililiqadaasi ahayd mid aaan loo Aabo Yeelin isla markaasna meeshii gacantoodu soo gaarto la dhacayey.

Hawlgalkan bililiqada ah ayaa xittaa Saameyn xoogan ku yeelatey Horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in qaar ka tirsan jabhadda Raaskambooni guryahooda la dhacay maadama ciidamadda kiinyi iyo kuwa Jabhada Raaskambooni aysan kala aqoon dadka degan Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiinta guryahooda la boobay waxaa ka mid ah Ku xigeenka Jabhadda Raaskambooni Jeneraal Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag,waxaana la sheegayaa in Ciidamada dawlada kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni ay guriga galeen isla markaasna ku dileen 3 Dumar ah oo ay saaxiibo ahayeen xaaskiisa,waxaana arrintaasi ka warantey xaaskiisa oo caawa qax ku jooga tuuladda Beerxaani ee duleedka kismaayo.

Waxaana Ay tiri ” Waxaana Magaalada uga soo cararay dagaalada ka socday,Waxaan quus gooyey markii aan arkay in ciidamada kiiniya oo ay weheliyaan kuwa Raaskambooni gurigeyga soo galeen isla markaasna dhaceen dhamaan alaabtii taalay, waxaa ciidamada kiiniya iyo kuwa raaskambooni horteyda ku dileen 3 hablood oo aan saaxibo ahayn,waana ayaan darro in dadka saas loola dhaqmo ”.

Waxaa kale oo ay sheegtey in kooxda raaskambooni ay ka furteen silis dahab ah iyo faraanti isla markaasna ay go,aansatey inay ka cararto magaalada kismaayo,waxaana ay shaaciysay inaysan dib ugu laaban doonin magaalada kismaayo oo ay ku tilmaamtay inay gacanta u gashay kooxo dhac iyo boob caadeystey.

Dhinaca kale Markii Ku xigeenka Jabhadda Raaskambooni gurigiisa la bililiqaysanayey ayaa la sheegey inuu aargada la taagnaa Microphone isla markaasna ku baaqayey in dadku isdejiyaan,waxaana dadka qaarkood ku tilmaameen inuu waashay maadama markaasna wadooyin ka Magaalada ay daadsanayeen maydad badan oo ka tirsan shacab iyo kooxaha dagaalamayey.

Ugu dambeyntii Jeneraal Fartaag ayaa la sheegaya inuu walaac ka qabo xaalada kismaayo iyadoo uu ka war hayo ciidamo badan oo ka soo socda degaano badan isla markaasna doonaya inay awood kula wareegaan magaalada kismaayo,sidoo kalena dawladu go,aan ka soo saartey ciidamada kiiniya oo Raaskambooni gacanta u galiyey magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com