War Deg Deg Ah: Ciidamadii Dawlada Ee Gobolka Gedo Oo Dhamaantood U Soo Ruqaansaday Kismaayo

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo(AGGM) Wararka laga helayo Magaalada Garbahaaray,Beledxaawo & Doolow ayaa shaacinaya inay halkaasi galabta ka soo baxeen dhamaan ciidamadii dawlada federaalka ah ee gobolka Gedo,waxaana la sheegaya in ciidamadaasi saacadaha soo socda ku soo wajahan yihiin Magaalada Kismaayo oo saacadihi la soo dhaafay ay ku dagaalameen shacabka soomaaliyeed & Ciidamada Kiiniya oo garab siinayaa jabhadda Raaskambooni.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay ku hubeysan yihiin gaadidka dagaalka oo badan isla markaasna ay doonayaan inay qayb ka qaataan xoreynta gobollada Jubooyinka oo ay gacanta ku dhigeen dawlada kiiniya iyo Jabhadda Raaskambooni,waxaana la shageyaa in ciidamadaasi badankoodu hadda jidka ku soo jiraan isla markaasna qaybo kale oo badan ka soo socdaaan degmooyinka kale ee gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa lagu wadaa inay xaalad cakiran galiyaan guud ahaan gobollada Jubooyinka iyadoo qorshahoodu yahay inay Magaalada Kismaayo ku soo celiyaan gacanta shacabka soomaaliyeed,waxaana la shaacinayaa in ciidamadaasi ay yihiin kuwii dawlada Federaalka ee soomaaliya kuwaasi oo tiradooda lagu sheegey 3 kun oo askari.

Ciidamada ayaa maanta aad uga carooday dagaalkii ciidamada kiiniya ku qaadeen shacabka soomaaliyeed,waxaana la sheegayaa inay xaaladu ka sii dartey markii ciidamada dawlada kiiniya duqeyn u geysteen ciidamadii Col Bare Aadan Shire,waxaana lagu wada in ciidamadaasi saacadaha soo socda soo gaaraan degaanada ku dhaw dhaw Magaalada kismaayo.

Ugu dambeyntii Ciidamadan Ayaa imaanaya xilli dawlada federaalka ah ee soomaaliya digniin u kulul u jeedisay Midawga Afrika iyo Amisom isla markaasna loogu baaqayn in ciidamada kiiniya laga saaro Magaalada kismaayo,waxaana cadaan ah in ciidamada Jabhadda Raaskambooni ka huleeli doonaan kismaayo isla markaasna aan wali la aqoon meesha ay aadi doonaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com