War Deg Deg Ah: Bililiqo Xoogan Oo Ka Socota Kismaayo & Ciidamadii Bare Uu Dul Jooga Magaalada

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo oo ay gacan ku haynteeda magaalada la wareegeen ciidamada kiiniya oo dabada ka riixaya kuwa Falaagada Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay magaalada ka ka bilaabeen bililiqo xoogan oo ay kula kaceen goobaha ganacsiga iyo huteeladda magaalada waxaana la sheegaya inay xitaa raashiinka bakhaarada ka guranayaan.

Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay bar tilmaameedsanayaan meherado gaar ah oo magaalada kismaayo ku yaala isla markaasna ay guranayaan dhamaan agabka dukaamaadaasi yaala,waxaana la sheegayaa inay wadaan dhaqamo xun xun oo aan waligeed kismaayo soo marin sida raashin la guranayo iyo sharaabyo laga daldalanayo dukaanada magaalada kismaayo.

Bililiqada xoogan ee ka socota magaalada kismaayo ayaa ah mid ay shacabku la yaaban yihiin isla markaasna indhahooda ku cusub yihiin qaabka foosha xun ee ay ku dhaqmayaan kooxda dabada ka riixayaan ciidamada Kiiniya isla markaasna waxaa dadku sheegeen inay ciidamadan kiiniya daawanayana qaabka wax u socdaan.

Dhinaca kale duleedka Magaalada waxa ku sugan dhamaan ciidamadii degaanka kismaayo iyo kuwii dawlada federaalka ah ee soomaaliya oo saaka xeelad dagaal uga baxay magaalada kismaayo,waxaana la shaacinayaan inay helayaan gurmadyo tiro badan oo ka kala imaanaya degaano badan.

Dhinaca kale Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegaya inay dhawr ruux dileen saaka oo shacab ah iyadoo ilaawi la dhimashadii xooganayd ee ay ciidamada Degaanku soo gaarsiiyeen iyagoo dagaalkaasi ku waayey ciidamo tiro badan isla markaasna Maydadkodu wali wadooyinka Magaalada waran yihin.

Si kastey ahaataba Xaalada Kismaayo ayaa ah mid kacsna iyadoo laag cabsi qabo in dagaalo hor leh ka qarxaan magaalada kismaayo isla markaasna ciidamada banaanka magaalada ku sugan weeraro rogaal celis ah ku soo qaadaan magaalada si ay uga faro maroojiyaan  ciidamada kiiniya ee dabada ka riixaya jabhadda Raaskambooni ee calooshood u shaqeystaayasha ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com