Madaxweynaha Oo Markale Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaaladda Kismaayo

0

Hassan_Sheikh_MohamudMuqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta markale ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Kismaayo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey dagaaladda ka soo cusboonaaday Kismaayo ayaa yiri “ Waxaan markale ku baaqayaa in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Kismaayo oo dhiig danbe oo Soomaaliyeed aan la daadin. Soomaalida wey ka soo daaleen collaado iyo dagaallo, xalna uma noqon karaan xasilinta dalka, nabad-ku wada noolaanshaha iyo horumarinta dhaqanka iyo dhaqaalaha dalka.

“Dowladdu dhowr jeer bey ku cel-celisay inaan loo baahneyn dagaal sokeeye iyo dhiig Soomaaliyeed oo macno daro ah ku daata. Dowladdu waxey wadaa qorshe dib-u-heshiisiineed oo xal waara loogu helayo arrimaha Kismaayo oo keenay collaado iyo dagaallo soo noq-noqday.

“Waxaan u tacsiyeynayaa intii ku geeriyootay dagaaladdan oo aan Eheladdooda iyo Soomaalidaba uga baryayaa in EEBBE naxariistii janno ka waraabiyo iyagana Samir iyo Iimaan EEBBE ka siiyo. Inta dhaawaca ahna waxaan EEBBE uga baryayaa inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

“Dagaallada iyo collaadahu waxey keenaan kala fogaansho, waana sababta aan u dooneyno in si nabad ah oo dib-u-heshiisiineed xal waara loogu helo dhammaan arrimaha taagan. 22sano oo collaado, dagaallo, dagaal oogayaal, dano gaar ah iyo mid qabiil-ba waa nagu filan-yihiin mana rabno in wiil Soomaaliyeed uu si macno daro ah ku geeriyoodo. Dowladdu wey ka go’antahay in la sii wado dadaallada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta.

“Dowladdu waxey kaloo ugu baaqeysaa Ciidamada AMISOM ee ku-sugan Kismaayo inay dhex-dhexaad ka noqdaan kooxaha kala duwan ee dagaaalamaya, isla markaana ay ka islaaxiyaan xabad-joojin oo ay ciidamada dagaalamaya kala dhexgalaan si looga hortago inay dagaaladdu sii socdaan, si fursad loo siiyo dib-u-heshiisiinta iyo wadahadallada. Waana in si deg-deg ah loogu gurmadaa gar-gaaridda dadka dhaawaca ah.”

          DHAMAAD –