War Deg Deg Ah: Afhayeenka Madaxweyne Bare Hiiraale Oo Ka Hadlay Dagaalada Socda

0

barre-hiiraale2Kismaayo(AGGM) Afhayeenka Madaxweyne Bare Hiiraale,  Dr Mohamed  Cali ( Stateman) oo ka hadlay dagaalada ka socda gudaha magaalada kismaayo ayaa daaha ka qaaday in dagaaladani yihiin kuwo jabhadda Raaskambooni looga sifeyn lahaa gobollada Jubooyinka,waxaana uu sheegey in hadda dagaalku si toos ah u socdo isla markaasna ay gacan bir ku qabanayaan maamulka Magaalada kismaayo.

Dr Statesman oo ayaa shaaciyey in Jabhadda raaskambooni ay bilaabeen falal anshax xumo ah oo ay kula kacayaan dadka shacabka,waxaana u sheegeyn intii ay ku sugnayeen magaalada ksimaayo gudaheeda inay geysteen falal isugu jira kufsi iyo dhac,waxaana uu shaaciyey inaysan shacabku ku sii jiri karin dhibaatadaasi loona baahan yahay in la difaaco shacabka.

Dr Statesman waxaa uu shaaciyey inay gacanta ku hayaan koox ka tirsan jabhadda Raaskambooni oo miino ku aasayey wadooyinka kismaayo isla markaasna dil toogasho ku fulin doonaan saacadaha soo socda,waxaana uu sheegey in dagaalka hadda socda khasaare lixaad leh ku soo gaarsiiyeen jabhadda Raaskambooni

Dr Statesman waxaa uu sheegey in dagaalkan bilowday yahay mid culus isla markaasna ciidamada kiiniya la safan yihiin dhinaca jabhadda Raaskambooni,waxaana uu sheegey in ciidamadoodu awood u leeyihiin inay banaanka u saaraan dhamaan ciidamada kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni,waxaana uu shaaciyey in dagaalkan hadda ay iyagu gacan sareyaan.

Ugu dambeyntii Statesman waxaa kale oo uu ka hadlay kulanka maanta dhex maray bulshada kismaayo ku dhaqan iyo madaxweyne Bare Hiiraale,waxaana uu sheegey in kulankaasi laysla gartey in dagaalo ka dhan jabhadda Raaskambooni lagu qaado loogana saaro guud ahaan degaanada ay kaga sugan yihiin gobollada Jubooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com