Golaha Wasiirradda ka wada Hadlay Xoojinta Amniga iyo xuska 1da Luuliyo:-WARSAXAAFADEED

0

IMG_1888Muqdisho(AGGM) Golaha Wasiirradda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxayna ka wada hadleen halka ay marayso qaban qaabada iyo u diyaar garowga 1-da luuliyo iyo sii xoojinta Amniga dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ugu horayntii guddiga qaban qaabada 1-da Luuliyo oo ah maalintii ay xornimada qaateen gobolada koonfuureed ee Soomaaliya isla markaan ay midoobeen waqooyiga iyo koonfurta dalku ayaa golaha ugu warbixiyey halka ay marayso qaban-qaabada maalinta xorriyada. Gudiga ayaa sheegay inay diyaariyeen dhamaan tasiilaadkii loo baahnaa, waxayna cadeeyeen in qaabka uu u socdo abaabulka uu noqon doono mid ka weyn sidii horay loogu xusi jiray dalka.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in nabad galyadu ay marayso meel wanaagsan, ciidanka dawladduna ay qaadeen talaabooyin wax looga qabanayo amniga.

“kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa amaanka, waxaana ciidamada dawladdu qaadeen talaabooyin dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo amniga, waxaa la dhigay ciidamo dhamaan isgoysyada magaalada” ayuu yiri wasiirka oo dhanka kalana xusay in ciidamda booliska ee dhawaan tababarka loo soo xiray ay qayb weyn ka qaateen sugidda amniga.

Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay kana talo bixiyay dhawr qodob oo ay kamid ahaayeen: horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, heshiisyada caalamiga ah iyo dhaqan-galinta nidaamka Federaalka ah, si loo hirgaliyo siyaasada fur-furan.

Ugu danbayntii golaha ayaa ku bogaadiyey howsha baaxada leh ee ay qabteen gudiga qaban qaabada sanad guuradii 53-aad ee ka soo wareegtay markii ay midoobeen gobolada waqooyi iyo koonfur, waxayna ku booriyeen gobolada dalka inay sameeyaan fantasiyo iyo dabaaldegyo lagu weynaynayo maalinta xorriyadda.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

Muqdisho, Soomaaliya