Ciidamada Siraliyoon Oo Maanta Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Kismaayo

0

AMISOMKismaayo(AGGM) Ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom gaar ahaan kuwa ka socda wadanka Siiraliyoon ayaa maanta qarax xoogan lagula beegsaday Magaalada kismaayo,waxaana la sheegayaa inuu qaraxaasi sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaarey ciidamadaasi.

Qaraxan oo ahaa nooca dhulka la geliyo ayaa ka dhacay Xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegayaa inay dhawr askari oo ka tirsan ciidamada Siraliyoon ku geeriyoodeen halka qaarna kalena dhaawac ka soo gaarey,ciidamadan ayaa la sheegey inay ku socdeen dhinaca garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo oo ay farisiin ku leeyihiin.

Qaraxan ayaa la aaminsan yahay inay ka dambeyeen Falaagada Alshabaab oo xiriir la leh kooxda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa inuu qaraxaasi ahaa nooca dhulka la geliyo ee meelaha fog fog laga hago,waxaana la sheegayaa in sidoo kale dhaawacyo ka soo gaareen dhawr ruux oo shacab ah oo guryahooda filidhka qaruxu ugu tagay.

Ugu dambeyntii Ciidamada Siraliyoon ayaa la sheegey inay rasaas badan fureen walow aan la ogeyn inay waxyeelo kas oo gaartey dadka shacab ah iyo inkale,waxaana la aaminsan yahay inaysan shacab rasaastaasi waxyeelo ka soo gaarin maadama magaalada xiisad coladeed ka taagan tahay isla markaasna dadku guryahooda ku jiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com