Warbixin: Dagaalkii Maanta Iyo Idaacadii Radio Kismayo Oo Dhulka La Soo Dhigey Ateenadeedi ( Sawiro)

0

kismrasaas1-600x393Kismaayo(AGGM) Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa degan walow ay jirto xiisado dagaal oo u dhexeya ciidamada Maamulka Jubaland ee garabka Madaxweyne Bare Hiiraale iyo Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa inay qaar ka tirsan Jabhadda Raaskambooni ay dib ugu soo laabteen xaafado ka tirsan magaalada kismaayo oo maanta laga saaray.

Ciidamada Madaxweyne Col Bare Hiiraale ayaa la sheegayaa inay iyaguna wadooyinka Magaalada Baaritaano adag ka wadan isla markaasna baarayaan gaadiidka Xaafadaha magaalada u kala gooshaya,waxaana la sheegayaa in ciidamada Bare hiiraale ay digniin u direen maleeshiyooyink Jabhadda Raaskambooni isla markaasna ugu baaqeen inay hubka dhigaan si nabad ahna isu soo dhiibaan.

Dhinaca kale Maamulka Madaxweyne Bare Hiiraale ayaa gacanta ku haya 5 ka mid ah falaagada Alshabaab oo maanta dagaalka lagu qabtey,waxaana lagu hayaa Xarunta Madaxtooyada Bare Hiiraale iyadoo la sheegay inay dhamaantood wada caafimaad qabaan oo aan wax dhibaato ah loo geysan.

Dhinaca kale Ciidamada Madaxweyne Bare Hiiraale ayaa galabta Idaacadii Radio Kismaayo ee Falaagada Alshabaab ku lahayeen Bartamaha Magaalada  Rasaas ku soo riday Ateenadii Idaacada,waxaana la sheegey inay ku liishaameen Qoriga loo yaqaano Zuu-ga kaasi oo dhulka soo dhigey Ateenadii Idaacada Radio Kismaayo ee Falaagada Axmed Madoobe adeegsan jireen.

Dhinaca kale waxaa caawa toos hawada uga shaqeyneysa Idaacada Radio Jubba ee Madaxweyne Bare Hiiraale uu dhawaan magaalada ka hirgaliyey Magaalada Kismaayo,waxaana idaacadaasi sii deyneysaaa Wararka ku aadan xaalada kismaayo iyadoo ay ka baxayaan heeso wadani ah oo loogu dabaal dagayo 26 juun oo ah maalintii gobollada waqooyi xornimada qaateen.

Dagaalkii Maanta waxaa ku geeriyoodey in ka badan 13 ruux oo 3 ka mid ahi shacab ahayeen,waxaana la sheegayaa in 10 ka kale ahayeen kooxihi dagaalameyey iyadoo la xaqiijiyey inay dhinaca raaskambooni ka geeriyoodeen 7 askari halka dhinaca Bare hiiraale ay ka dhinteen 3 askari iyadoo ay jiraan dhaawacyo badan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Ciidamada Amisom ayaa la sheegay inay soo kala dhex galeen ciidamada dagaalamayey ka dib markii falaagadii Raaskambooni banaanka magaalada looga saaray oo firxadkoodii gaareen garoonka diyaaradaha,waxaana la sheegayaa inay caawa dhamaan hogaamiyeyaashi raaskambooni marti ku yihiin garoonka diyaaradaha Magaalada kismaayo halkaasi oo ay marti ugu yihiin ciidamada dawlada kiiniya oo ay ka sugayeen inay u hiiliyaan balse gacmaha ka laabtey.

Ugu dambeyntii Ciidamada Col Bare Hiiraale  ayaa caawa si weyn loogu arkayaa gudaha magaalada kismaayo isla markaasna iyagoo wada baaritaano wado kasta ku xirey gaadiidka dagaalka,waxaana laga cabsi qabaa in beri dagaalo kale ka qarxaan hadii maleeshiyaadka raaskambooni oo isku aruursanaya banaanka magaalada iyo Xaafad ka mid ah magaalada kismaayo dib isu soo aruursadaan maadama in inta badan ee magaalada laga farro maroojiyey.

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

12Dagal-kismayoG-balcad-15howl-galada_kismayo_3kismrasaas1-600x393