Sanad Guurrada 53aad Ee Xornimada Gobollada Waqooyi Oo Si Weyn Muqdisho Looga Xusay (sawiro)

0

DSC07012Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda,Gudoomiyaha Baarlamaanka,Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka,Ra’isulwasaaraha Xukuumadda,Wasiirro, Xildhibaanno,Saraakiisha Ciidammada,Duqa magaalada Muqdisho,Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir,fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeybgalay sanad guurrada 53aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada waqooyi ee Dalkeenna ka xoreebeen gumeystihii Ingiriiska.

Bilowgii Munaasabadda oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa suugaan wadani ah oo ka hadleysay qiimaha xornimada kusoo bandhigay fanaaniinta howolada Qaranka ee Waaberi ayadoo suugaantaasina ay si weyn u bedeshay dareenka dadyoowgii kala duwanaa ee munaasabadda ka qeybgalay.

Saacadda geeska Afrikada bari markii ay soo gaartay 12:00AM ayaa waxaa barxad weyn oo ku taala Madaxtooyada Qaranka lagu saaray Calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayadoo kooxda Baambeeydana ay garaacayeen astaanta Qaranka waxaana goobtaasi salaan sharaf ku bixiyey cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Khudbad ka jeedisay munaasabadda ayaa tilmaantay in 26ka June ay tahay maalin taariikhi ah waxaana ay Hambalyo u dirtay guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abukaate Ceeydiid Ilkaxanaf oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn ka sheekeeyey sida ay u midoobeen labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi waxaana uu xusay in midnimadaasi ay aheyd mid aanan lagu xirin wax shuruud ah balse wixii ka dambeeyey ee dhacay ay tahay wax mas’uuliyadeeda ay wada leeyihiin dadka Soomaaliyeed waxaana uu Alle ka baryey in Midnimadaasi uu Umadda Soomaaliyeed uu u soo celiyo taasi oo ah mida saxda ah.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyey shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabaddan qiimaha leh ee 26ka June waxaana uu dhanka kale ka hadlay Ra’isulwasaaraha Midnimada Umadda Soomaaliyeed oo uu yiri waa lama taabtaan, sidoo kalena waxa uu umadda Soomaaliyeed xasuusiyey in Midnimada umadda Soomaaliyeed ay u baahantahay Samir iyo dulqaad badan taasina uu shacabka Soomaaliyeed ku boorinayo iney midnimadaas u istaagaan “Xukuumaddu waxey si adag ugu dhawaaqeeysaa iney ka go’antahay midnimada Umadda Soomaaliyeed” ayuu Ra’isulwasaare Saacid hadalkiisa kusoo gebagebeeyey.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay ka qeybgalka munaasabaddan qiimaha leh waxaana uu Hambalyo ku aadan maalintan qiimaha leh u diray Shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka hadlay wadahadallada u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya ee Somaliland.

“runtii anigoo ku hadlaya magaceyga,kan gudoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxeynu aad u dhiirigelineynaa wadahadallada wanaagsan ee u bilowday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Waqooyiga Soomaaliya Somaliland, waxaan shacab iyo Xukuumadba ka codsanayaa in laga fogaado wax walba oo wadahadalladaas dhibaato ku keeni kara, shacabkana waxaan ku boorinayaa iney ka qeybqaataan sidii wadahadalladaas ay maradhal u noqon lahaayeen, Allena waxaan ka baryayaa inuu guul ku dhameeyo”ayuu ku yiri Khudbaddiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka oo intaasi ku daray in hilowgii ay dadka Soomaaliyeed isku qabeen 1960kii uu ka badanyahay kan ay maanta isku qabaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gebagebadii Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyey shacbiga Soomaaliyeed munaasabaddan qiimaha leh waxaana uu Madaxweynaha si kooban uga hadlay taariikhda umadda Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay iney tahay marxalad cusub,sidoo kalena waxa uu u duceeyey Madaxweyne Xasan Aabeyaashii xornimadan dhaliyey.

“waxaan rabaa taariikhda inaan dib u raaco dadkaasi tiro ahaan wey naga tira yaraayeen, aqoon ahaanna wey naga aqoon hooseeyeen, dhaqaalle ahaanna wey naga hooseeyeen sidaas oo aheyd ayey ayadoo dalku gumeysi heysto u istaageen iney wadankooda xoreystaan, waxaan aad ugu raacsanahay Gudoomiyaha Maxkamadda sare inaan qirano dhibaatadii dhacday mas’uuliyadeeda inaan anaga leenahay, waa inaan marnaa wadadii ay aabeyaasheenna noo faleen oo ah Soomaali oo mid ah, qarannimadeediina difaacaneysa”ayuu ku yiri Khudbaddiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda ayaa kusoo gebageboowday jawi farxadeed ayadoo dhammaanba dadkii ka qeybgalay ay isku hambalyeeynayeen.

DSC06966DSC06964DSC06988DSC06964DSC06969DSC07001DSC07012DSC07135