Madaxweyne Xasan Shiikh Oo La Kulmay Nick Westcott (Sawiro)

0

DSC07406Muqdisho(AGGM) Madaxweynha jamhuuriyada soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan mudo saacado ah qaatay waxa uu la yeeshay wafdi ka socaday midowga yurub oo uu hogaaminayay Nick Westcott oo ah Agasinka Midowga Yurub ee Arrimaha Bariga Africa.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehliyay ra,iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Ka dib markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa waxaa ugu horeeyn saxaafada la hadlay madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya  mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in wafiga midoowga yurub ay kawada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen shirkii bisha september16 keeda lagu qaban xarunta midoowga yurub ee Brussels,waxaana madaxweynuhu oo soo hadal qaaday ajantaha shirkaasi uu carabka ku adkeeyay in shirkaasi uusan quseeyn dad gaar ah oo soomaaliyo dhan dib u dhiskeeda iyo horumarinteeda looga hadli doono.

Nick Westcott oo isna dhankiisa ka hadlay shirka jaraa.id ayaa ugu mahad celiyay sida uu u soo dhaweeyay madaxweynaha soomaaliya waxa uuna sheegay in midoowgo yurub ay garab taaganyihiin soomaaliya iyo sidii dib loogu dhisi lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya oo saxaafadu ay wax ka weydiisay shirka cidda ka qeyb galeeysa ayaa sheegay in cid waliba ay u furantahay ka qeyb galka shirka,waxana uu xusay madaxweynaha in soomaaliya ay leedahay dowlad loo dhanyahay oo wada matasha soomaalida oo idil.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC07348DSC07350DSC07349DSC07364DSC07352DSC07395DSC07406