Argagixiye Xasan Daahir Aweys Oo Naftiisa Al-Shabaab Kala Baxsaday, Xagee Buu Ku Suganyahay Hada ?

0

XasanDaahirMuqdisho(AGGM) Argagixiye Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa Horjoogayaasha kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ayaa si qarsoodi ah naftiisa ugala baxsaday kooxdii uu ka tirsanaa ee Al-Shabaab,isaga oo ka baxsaday degmada Baraawe oo dhowaanahanba uu ku sugnaa.

Baxsashada Argagixiye Xasan Daahir Aweys uu ka baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa soo ifbaxday waaberigii hore ee Isniinta xiligaasi oo dad xog ogaal ah oo ku sugan degmada Baraawe ay xaqiijiyeen in Xasan Daahir uu Doon uga baxsaday degmada Baraawe.

Laakiin kooxda Al-Shabaab qudheeda ayaa si rasmi ah ugu cadeysay war qoraal ah oo ay soo dhigeen Websiteka ay afkaartooda guracan dadka ugu gudbiyaan in Argagixiye  Xasan Daahir Aweys iyo rag kale oo kala tirsanaa kooxdii la oran jirey Xisbul Islaam ee ay Al-Shabaab bur buriyeen iney doon uga baxsadeen degmada Baraawe.

Fiidnimadii hore ee caawa ayaa waxaa soo ifbaxday in Argagixiye Xasan Daahir Aweys iyo ragii la socday ay doon ku tageen qeybo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Dalkeenna.

Dad goobjoogayaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyey in Argagixiye Xasan Daahir Aweys iyo ragii la socday ay tageen deegaanka Faax oo ka tirsan gobolka Mudug jiho ahaanna u dhaxeeya degmooyinka Hobyo Xarardheere.

Ujeedada uu Argagixiye Xasan Daahir Aweys u tagay deegaankan Faax ayaa ah inuu halkaasi kula balamay Argagixiye ka tirsan kooxaha Burcad Badeeda ah kaasi oo uu ka codsaday in isaga iyo ragiisa ay deegaanka Faax ku heleen magangalyo laakiin arintaasi waxaa durba ka warhelay Argagixiye ugu sareeya kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo isaguna xiriir la sameeyey Horjooge kala oo ka tirsan Burcad Badeeda kaasi oo is hortaagay in Xasan Daahir iyo ragii la socday ay gudaha u galaan deegaanka Faax.

Argagixiye Xasan Daahir Aweys iyo ragii la socday hada waxa ay ku jiraan xaalad go’doon ah waayo gudaha uma geli karaan deegaanka Faax oo waxa ay ku suganyihiin xeebta gaadiid dagaal oo tiradoodu ay gaareyso laba iyo maleeshiyaad Burcad Badeed ah oo u socday iney Xasan Daahir iyo raga la socda kasoo kaxeeyaan Faax waxaa jidka u galay oo is hortaagay koox kale oo Burcad Badeeda ka tirsan, doonyihii ay Baraawe kagasoo baxsadeenna kuma socon karaan oo shidaalkii iyo saadkiiba waaku gabaabsi.

In Horjooge Xasan Daahir Aweys uu naftiisa kala baxsado kooxdii uu ka tirsanaa ee Al-Shabaab waxa ay ka dambeysay kadib markii dhowaan uu horjooge Axmed Godane ka adkaaday horjoogayaashii ku fekerka ahaa Xasan Daahir kadib dagaal ka dhacay degmada Baraawe waxaana Xasan Daahir u muuqatay inuusan Godane ka badbaadeyn maadaama uu Godane weerar ku qaaday Ibraahin Afghan oo ay qaraabo dhow yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com