Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiiyeeyey Geeridii Boqor Cabdulahi Boqor Muuse

0

Sequence-05.Still001Muqdisho(AGGM) Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Boqor C/laahi Boqor Muuse (King Kong) oo ku geeriyooday dalka Finland.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN waxaan ugu horeyn doonayaa inaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyo geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen Boqol C/laahi Boqor Muuse oo ay geeridiisa nasoo gaartay, runtii waa geeri naxdin leh waxaanna Alle uga baryayaa inuu siiyo naxariistiisa jano”

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ runtii Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse waa shaqsi caan ku ahaa raadinta nabadda iyo xalka shacbiga Soomaaliyeed, si gaar ah waxaan ugu xasuustaa doorkii wanaagsanaa ee muuqday ee uu Boqor C/laahi Boqor Muuse Allaha u naxariistee ku lahaa geedi socodkii dalka looga soo saaray KMGka waxaa xaqiiqo ah in Soomaalida guud ahaanba ay wanaagiisa xasuusan doonaan,umadduna way tabi doontaa”

“ugu dambeyntii anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Golaha Shacbiga waxaan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed u dirayaa tacsi tiiraanyo leh, si gaar ahna waxaan ugu tacsiyadeeynayaa ehelada iyo qaraabada Marxuumka oo aan leeyahay Samir iyo iimaan dhammaanteenba Alle hanaga wada siiyo” ayuu tacsidiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka