Warsaxfadeed: Raisalwasaare Saacid Oo Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse

0

boqor_abdullaahkk-150x150Muqdisho(AGGM) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi faarax
Shirdoon (Saacid) ayaa halkaan tacsi tiiranyo leh  uga dirayaa qaraabadii, ehelkii iyo dhamaan Salaadiinta Soomaaliyeed isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse Boqor Yuusuf oo galabta ku geeriyoday dalka Finland.

“geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhamaaday, waxaana aad noo taabatay geerida naxdinta leh ee ku timid Boqor Cabdulahi Boqor Muuse, oo runtii ahaa nin magac weyn ku leh gayigga Soomaaliya, hadii ay ahaan lahayd mid dhaqan iyo mid siyaasadeed intaba, Boqorku waxaa uu qayb weyn ka soo qaatay sidii dadka Soomaaliyeed u heshiin lahaayeen mudadii lagu jiray bur-burka, wuxuuna xilal muhiim ah ka soo qabtay dowladihii rayidka ahaa iyo kuwii ka danbeeyey intba” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ilaahay uga baryey marxuumka inuu janatul fardowsa  ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay.

Amiin! Amiin! Amiin!

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director office of the Prime Minister
Mogdisho-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com