Warbixin Kooban: Safarka Col Cabaas Ibraahim Gurey & Col Warfaa Shiikh Aadan Ee Kismaayo

0

warfaaKismaayo(AGGM) Maanta waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ka soo degtey diyaarad ay saarnayeen Ciidamo ka socda wadanka Siraliyoon isla markaasna ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya kuwaasi oo maalmihi ugu dambeyey ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya.

Saraakishan la socday ciidamada cusub ee wadanka Siiraliyoon isla markaasna maanta soo gaarey kismaayo waxaa ka mid ahaa Col Cabaas Ibraahim Gurey & Col Warfaa Shiikh Aadan Faroole,waxaana la sheegay in saraakiishaasi ay wadeen saanad isugu jirta Hub iyo direys ay leeyihiin ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobollada Jubooyinka,waxaana la sheegayaa inay sidoo kale u wadaan ciidamadaasi mushahaarkoodii oo aysan helin muddo dhawr bilood ah.

Sidoo kale saraakisha ayaa la sheegey inay wadaan qorshe dhamaan ciidamada soomaaliyeed ee ku sugan magaalada kismaayo loo mideyn lahaa isla markaasna loogu dari lahaa ciidamada xooga dalka soomaaliya,waxaana la sheegayaa in sidoo kale ciidamada jabhadda raaskambooni laftoodda lagu darayo ciidamada xooga dalka isla markaasna laga bedelayo magaca raaskambooni.

Sidoo kale waxaa la xaqiijinayaa in saraakishan ay wadaan qorshe ay kula kulmayaan dhamaan kooxaha siyaasada isku haya ku sugan magaalada kismaayo isla markaasna ay kala hadli doonaan sidii amaan darrada Magaalada kismaayo wax looga qaban lahaa,waxaana lagu wadaa in saraakishaasi la kulmaan dhamaan kooxaha kala fekerka fog ee kuwada sugan magaalada kismaayo.

Sidoo kale saraakisha ayaa lagu wadaan inay qaybiyaan lacagaha mushahaaradka ah oo ay u wadaan ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed oo la sheegey in askarigiiba la siin doono lacag dhan $ 300 dollarka mareykanka,taasi oo ka maqneyd 3 dii bilood ee ugu dambeysay oo aysan wax mushahar ah qaadan.

Ugu dambeyntii Saraakishan ayaa lagu wadaa inay gudaha magaalada kismaayo ka qabtaan falal amaanka wax loo qabanayo isla markaasna lagu hagaajinayo sidii wax badan looga bedeli lahaa maleeshiyooyinka hubeysan oo ku sugan magaalada kismaayo,waxaana lagu wadaa in ciidamada dawladu talaabo adag ka qadaan cid kasta oo ka hortimaada amaanka iyo xasiloonida magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com