Mid Ka Mid ah Xoghaynta Baarlamaanka Soomaaliya Oo Xalay Muqdisho Lagu Dilay

0

toogasho-300x206Muqdisho(AGGM) Dablay Hubeysan ayaa xalay fiidkii degmada Wadajir eey magaalada Muqdisho ku dilay mid ka mid ah Xogheynada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay baxsadeen kooxihii dilka geystay.

Wararka ayaa sheegaya in C/llaahi Yarow oo ahaa xogheynada baarlamaanka ay labo dhalinyaro oo ku hubeysan bastoolad ay ku dileen nawaaxiga Xaafada Ceel Qalaw.Waxaana la shaaciyey in dadkii dilkasi fuliyey islamarkiiba ka baxsadeen goobta ay ku dileen masuulkasi

Dilalkan ayaa qeyb ka ah dilal mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay magaalada, kaasoo ay geysanayeen kooxaha ku hubeysan bastoolada.Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegey inay cabaar ka dib halkaasi soo gaareen isla markaasna ka sameeyeen baaritaano balse ku guul dareysteen inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilkaasi fuliyey.

Inta badan degmooyiinka Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo lala beegsado sarakisha ciidamada, gudiyada baarlamaanka, iyo dhaman cid kasta oo lagu tuhmo inay xiriir wanaagsan la leedahay dawlad federaalka ah iyo masuuliyiintooda,waxaana la sheegayaa inay dilalkaais fuliyaan argagixisada Alshabaab.

Ugu dambeyntii ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid maalmihii u dambeeyay uu sii xumaanayay, iyadoo ciidamada booliska iyo nabadsugida ay wadaan howl galo ammaanka lagu sugayo, hase ahaatee weerarkii ka dhacay xarunta UNDP ayaa keenay shaki weyn oo ammaanka laga muujiyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com