Xarunta Boostada Soomaaliya Oo La Furayo Maalinta Arbacada 26-ka Juun.

0

boostadaMuqdisho (AGGM): Sida uu saxaafadda u sheegay Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarisiinta iyo gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Ciil-mooge Xirs waxaa hadda xarunta boostada Soomaaliya ee Muqdisho ku socota howlo-dayactir ah, maadama in muddo ah ay burbur saneed.

Wasiirka ayaa sheegay in Xarunta Boostada Muqdisho ay si rasmi ah loogu shaqa-billaabayo 26-ka bishan June,waxaana ay ku soo beegan tahay maalinta Arbacada ah ee foodda nagu soo heysa.

Soomaaliya ayaa bishii March soo ceshatay xubin-nimadeedii Isu-tagga Caalamiga ah ee Boostada (UPU), iyadoo xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid ay qorsheyneyso inay adeegga ku baahiso gobollada dalka.

Bishii April ee sannadkan 2013-ka wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Ciim-mooge Xirsi ayaa magaalada Muqdisho waxa heshiis is-afgarad kula saxiixday madaxa Boostada Imaaraadka, Fahad Xusni, kaas oo oggolaanaya in Dubai ay Soomaaliya u noqoto hab loo soo mariyo farriimaha iyo adeegyada kale ee Boostada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com