Wasiirka Kheyraadka Oo Sharciga Kalluumeysiga Ka Hor Akhriyay Baarlamaanka Soomaaliya.

0

wasiirka_kheyraadka-300x200Muqdisho (AGGM): Wasiirka wasaaradda kheyraadka badda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa baarlamaanka Soomaaliya ka hor akhriyay hindise-sharciyeed ku saabsan kalluumeysiga.

Cabdirsaaq ayaa ka codsaday baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inuu dib u eegis ku sameeyo qodobbada hindise sharciyeedka ku saabsan kheyraadka badda.

Wasiirka ayaa tilmaamay haddii la ansixiyo qodobbada uu ka hor akhriyay baarlamaanka inay kaalin mug leh ka qaadan doonto kobaca dhaqaale ee dalka iyo shaqo abuuris loo sameeyo shacabka.

Waa akhrintii koowaad ee sharcigan kalluumeysiga iyadoo maalinta Isniinta ahna lagu ballamay in akrin labaad lagu sameeyo sharciga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com