Maansada DAREEN SHACAB waa tix kooban, oo si fog u falanqaynaysa ama uga faalloonaysa xaaladda guud ee waddanku marayo, qooraansi wixii la soo maray iyo siiyaalka waxa na sugayana aan ka marnayn.
Waa maanso, maleyn iyo ka dheer waxay ila tahay, maxaa yeelay qodobbada ay cuskan tahay ayaa ah xog iyo xaajo warran, si aan loo marin hilinno hore loogu hungoobay, kama marna hubsiimo ka dheer hadaaq iyo hantaatac. Sidaa awgeed, waa ma hurto in qof walba intii awooddiisa ka hadlo, kana gaysto ayaaha umadda, ugu dambayn, aan idiin kala boxo idinka iyo maansada:
Shiinleey haddaan furay
Weydiimo shaaciyey
Shaacirkana farriimiyo
Gaarsiiyey sheekada
Baaq nabadda shaafiya
Sheeg sheegay oo diray
Ama sheer gareeyeyoo
“SHURUGDIIDNA” [1] daabacay
Kala shiray dadweynaha
Shaqi lama horboodoo
Dadka lama shareeyee
Sha’da gabayga maansiyo
Shiinlayda heestuba
Shumac weeye kaah iyo
Shamsa aad ku hiratoo
Shuxshux iyo ka dheer been
Oo dareenka Shacabkiyo
Shabbaddii sinnaantiyo
Sama shaacinaysee.
Ninka shiishku haystee
Sheekadu ku socotoow
Haddaan shicir ku iri waa:
“Ninka sharraxanoow, joog
Shabshablaha socdoow, joog
Sheekh Camaamadlow, joog
Oday Shaarubloow, joog
Shayb madax cadoow, joog
Shaqaaqada wadow, joog
Shibbanaha xarafaha iyo
Shaqallada dhigoow, joog
Shafka ha u garaacine
Shurug yuu ku raacine
How Shareera tumanine
Shirbaa Laashinoow, joog
Shiinleey tirshoow joog
Shiidaal sanoow, jog!”[2]
Inta sheeggan mooyee
Inta sheelan baa badan
Shaxdan aan tilmaamee
Ninba shaar u gaar yahay
Isku sheego wiil shidan
Qof shaahidayna uu jirin
Inaan shabiyo maan rabin
Inaan shiriyo maan rabin
Inaan shawr wadaagnana
Shaqadayga ma ahayn!
Shacab yaan farfiiqoo
Shaxda hoose ee dedan
Ugu sheegay Shiribkoo
Shilalkii daboolnaa
Iyo dabinkii sheelnaa
Yaa shuufa yiriyoo
Yaa shalalshay Aadmiga?.
Sha’da kale waxay tahey
Jabkii shalay na gaariyo
Dabkii nagu shidnaabaa
Lagu shubay basbaasoo
Dadku sheelka ma arkoo
Shafka nabadda uma tumo!
In la shiilo Doofaar
Cadaab lagu shaqiiqiyo
Waa shucuur la’aantee
Shibil baa na soo maray
Musuq buu Shanshada dhigay!
Militari shaf weynbaa
Ku shuuqiyey awood adag
Shib inaan niraahniyo
Dadka oo shamuuqliyo
Shabaqluu ku caan baxay!
Shufto iyo Jabhado baa
Dabadeed shaqaaqiyo
Shiddo kale la daahiray!
Shawtali gar dhuubloo
Abuu iyo la baxay Sheekh
Wadaadnimo ku shaaximan
Sharci iyo la yimid belo
Shareecana ku shaakiley!
Kii Shahaado haystana
Shisheeyuu la ehelyahay
Diintiisu waa Shilin
Damiirkiisu waa shuhub
Shaqshaq aan wax celinayn
Intaasoo shar iyo hoog
Ku shuraako noqotaa
Shacabkani arkeenoo
Shoocad kalena way sugi.
Haddaan shalay la raacdayn
Haddaan maanta loo shirin
Haddaan shaahid loo noqon
Haddaan shuhubka laga bixin
Haddaan shuuqda laga dayn
Haddaan shamaareerkiyo
Shawahaadda laga dayn
Shaqaaqadani way socon.
Ninka diday shafkiisoo
Biyo shuluq ka yiri iyo
Shanqar aan cid kale maqal
Shuush mooday oo kale
Dadkeenii ma kala shiray?
Inaan shalay dhantaallayn
Midnimana la sheegeeyn
Shantii beri naloo dhigay
Marna aan shir lagu arag
Isku sheegi maynee
Belodaan la shubayee
FEDERAL ku sheeggani
Weli muusan shaacine
Shaxdan yaa inoo dhigay?
Shacab uma codeynoo
Shawr laguma gaarine
Shaarkan yaa inoo tolay?
Inta maamul sheeggane
Dawlado la shaaciyey
Mid ammaan la sheegiyo
Sharaf gaarle lama maqal!
Inta Shaalka wadatiyo
Barfasor shahaado leh
Sharciyada yaqaaniyo
Sheekha Diinta faafiya
Giddi markii ay shawreen
FEDERALkii shiileen
Sharraxeen ujeeddada
Shaxdoodii waxay tiri
Shiddo iyo dhib weeyaan;
Shan boqoloo ra’iisoo
Midba sheegto keligii
Inuu Shiikha Beledkiyo
Baashaha shirkaba yahay!
Shiddadii dorraad iyo
Shan labaatan lagu daray
Na haraysay Shiikhoow
Shuush iyo yurayn iyo
Shurugoow bax maahee
shacabkoo heshiiyiyo
Shaahidkoo arxama oo
Noo shafeeca mooyee
Shaqaaqadani way socon.
Shulug weynta Qaacida
Rag Shukooyin qaatoo
Indhahana Shareertoo
Shiishaan la haystoo
Shaam laga hagaayoo
Shayb iyo Dhallaan iyo
Dumar aan ka shiixayn
intan shiikhakh weeyaan
Ama waa Shariifiin
Shacabkeennu leeyahay
Shaqaaqadani way socon.
Shabaabkaan na shidayee
Shanshadii na jabiyee
Shamiiqsanaya dhiiggee
Shaqalladii Quraankiyo
Diintaba shakaalee
Xadiisyada shareeyee
Say rabeen u sheegaan
intay shacabka qaarkood
Shuhaddada u haystaan
Shaqaaqadani way socon.
Haddii aad Shabeelliyo
Shangaanida ku taal Xamar
Shalaambood xorayseen
Ood Shabaab ka saarteen
Qaran shuuqay oo dumay
Heello iyo Shiribkoo
Shaashadaha laga shido
Ama sheeko baralleey
Shaki kuma ba’aayoo
Nabad shaacin maysee
Sheekada maxaa dheer?.
Shabshablaha afduubka ah
Iyo Shulugyo weyntuba
Waxay shaqal wadaagan
Abeesada sharleeyda ah
Shay qarsoodi kugu dila
Shanqartiis adoon maqal
Sunta uu shug kugu dhaho
Xiddidada sharqamisee
Halbawlaha shidaysee
Dhiiggaaga shubatee
Hurgumada shalwinayso
Shanshadaada gelisee
Shiddadeed u dhimataa
Ka metelan Shabaabkuna!
Inaad shoog la qarowdiyo
Shaafinimada kala daa!
Shib inaad ahaatiyo
Shuxhsuxlaynta kala daa!
Shushumawga diidkiyo
Shaxaroor cun kala daa!
Inaad shaqaqaflaysiyo
Shanqar tirasho kala daa!
Inaad sheyb ahaatiyo
Shabaab sheegad kala daa!
Inaad shaamareertiyo
Sharrax tumasho kala daa!
Inaad shuraako doontiyo
Shuqul xumada kala daa!
Qarankii shidnaa beri
Shaqo iyo farsamo iyo
Shirkadiyo wax soo saar
Shaqaaluhu hormariyeen
Sheeko iyo war mooyee
Shax kalaba kamay harin!
Dhallintu sheeko mooyee
Waligood ma shaahidin
Odayaduna sheeg sheeg
Iyo Shicirro mooyee
Shaqadeeda ma hayaan.
Shaac iyo ileysbaan
Shishe iiga muuqane
Hayga didin Shirbaagoow
Ha sharaysan maansada
Kuma sheegin ceebaal
Wax shucuurta dhaawaca!
Kuma shaacin beeniyo
War shucuubta kala dila!
Waa shifeeya taydiyoo
Hadal sharaf leh weeyaan
Shiinleey xaq sooriyo
Shakal daaris weeyaan.
Bil Shacbaana shaaceed
Sha‘ni gaara weeyaan
Shinni Malabkeed weeyaan
Shilin iyo Gafane iyo
Waa shar iyo xumaan diid!
1,2: “SHURUGDIID” waa maanso aan sanadkii hore curiyey, oo iyana SHIINLEEY ahayd. Maansada “SHURUGDIID” oo idil meshaan hoose ka muuqso:
https://bilediraac.wordpress.
Dhammaad.
Luulyo, 2012
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com