Gudigii Ra’iisul W. Saacid u Magacaabay Qaban-qaabada Munaasabadaha 26-Juun iyo 1-Luuliyo Oo Maanta Kulmay.*Daawo*

0

IMG_0798Muqdisho (AGGM):  Gudiga qaban qaabada munaasabadaha 26-juun iyo 1-Luuliyo ayaa maanta shir isugu yimid ay kaga hadlayaan qaabkii loo wajihi lahaa weynaynta maalmaha saldhiga u ah qaranimada Soomaaliya.

Gudigaan ayaa maanta waxaa shirkooda ku wehliyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa markuu soo idlaaday kulankooda waxaa saxaafada ugu warbixiyey arrimhii ay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gudoomiye u ah gudiga.

“Sidaad ogtihiin waxaa khamistii la soo dhaafay Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay gudi loo xilsaaray qaban qaabada munaasabadaha kala duwan ee lagu xusayo maalmaha Xorriyadda, waxaa dowlada u qorshaysan inay u samayso dabaal dagyo aad u balaaran oo lagu muujinayo weynayta maalmaha Xorriyadda” ayuu yiri Wasiirku oo dhanka kalana xusay in looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay sameeyaan diyaar garow aad u sareeya calankana lagu xardho wadooyinka iyo meelaha ganacsiga.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in looga baahan yahay maamulada ka jira dalka iyo degmooyinka xorta ahba inay u istaagaan sidii loogu dabaal dagi lahaa maalmaha xorriyadda, waxaan muhiim ah in qof kasta dareemo wadaniyad una istaago weynaynta maalmaha Xoriyadda.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa tilmaamay in 26-juun ay tahay maalintii gobolada waqooyi ay xoroobeen halka 1-da luuliyana ay xorrnimada qaateen gobolada Koonfureed sidaan Soomaaliya ku noqotay wadan hal calan leh.

——-Dhamaad——-

IMG_0798

IMG_0784

IMG_0789

IMG_0788

IMG_0785


 

Diraac Salaad Fagaase
Communiction Director Office of the Prime Minister
Muqdisho-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com