Falaagada Al Shabaab Iyo Ciidamada Dowladda Oo Ku Dagaalamay Badhaadhe iyo Wanlaweyn.

0

ciidamada_xooga_dalka_MarkaMuqdisho (AGGM): Wararka ka imaanaya degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Al-Shabaab ku dhex maray halkaas, iyadoo uu dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay shan ruux ayaa ku dhimatay, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, iyadoo dagaalka halkaas ka dhacay uu ahaa kii ugu cuslaa mudooyinkan ka dhaca.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Kenya ka socda ayaa ku sugan deegaanadii ay dagaalada ka dhaceen, iyadoo dagaalyahanadii Shabaabka ahaa ay dib uga laabteen halka ay weerarka ku soo qaadeen.

Sidoo kale dagaal culus ayaa shalay waxaa uu duleedka degmada Wanlaweyn ku dhex maray falaagada Shabaab iyo Ciidamada AMISOM,

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii maleeshiyo ka tirsan falaagada Shabaab ay weerareen kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM, iyadoo saraakiil ka tirsan Shabaab ay sheegeen in gaadiid dagaal ay ku gubeen.

Falaagada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaaq ka wada qeybo ka mid ah gobolada dalka, oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com