Col Yaasiin Raadeer Oo Xaaladiisa Caafimaad Laga Dayrinayo & Sarkaal Kale Oo La Dhaawacmay

0

yaasiin-nuur-gaas888888Kismaayo(AGGM) Xaalada Col Yaasiin Nuur Gaas ( Yaasiin Radeer ) oo ka mid ahaa Horjoogayaasha Raaskambooni ayaa la sheegayaa in xaaladiisa caafimaad laga dayrinayo,waxaana la sheegayaa kooxda raaskambooni ay dhaawaca sarkaalkaasi ka dambeyeen isla markaas ay rasaas ku fureen gaari uu la socday ayna haleeshaay xabad ay soo rideen maleeshiyooyin ka tirsan Raaskambooni.

Dhaawaca sarkaalkan ayaa yimid ka dib markii qaarka ka tirsan Jabhadda Raaskambooni ay jidgooyo dhigteen isla markaasna uu sarkaalkan oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Axmed Madoobe  uu damcay inuu meesha ka kaxeeyo balse kooxda raaskambooni ay rasaas ku soo fureen gaarigii uu sarnaa sarkaalkaasi.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in sarkaal kale oo ka tirsan Raaskambooni isna lagu magacaabo Cabdulaahi Qaldaan uu dhaawac soo gaarey,waxaana la sheegayaa in labadaasi sarkaal xaaladooda caafimaad laga dayrinayo,waxaana dhaawacooda lagu daaweynayaa isbitaal ku yaala Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo ay ciidamada dawlada kiinyia leeyihiin.

Dhaawaca Sarkaalkan ayaa xiisad ka kiciyey Magaalada Kismaayo,waxaana xaafadaha qaarkood lagu arkayaa ciidamo badan oo qaab qaabiil isku abaabulaya isla markaasna ka gadoodsan dhaawaca sarkaalkaasi loo geystey,waxaana laga cabsi qabaa in xaalada magaalada kismaayo faraha ka baxdo.

Si kastey ahaataba Dhaawaca Yaasiin Nuur Gaas iyo sarkaalkaasi kale ayaa la sheegayaa inuu saameyn xoogan ku yeeshay xaalada magaalada Kismaayo,waxaana laga cabsi qabaa in degaano deg deg ahi ka qarxaan maalmaha soo socda,taasi oo sababeysa in beelaha soomaaliyeed oo urur urur u isu haystey ay hadda u kala baxaan qaabqaabiil oo sababa dagaalo dhiig badan ku daato.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com