Ciidamada Dawlada Oo Weerar Ku Ah Degmada Buulo Berde Ee Gobolka Hiiraan

0

ciida2Muqdisho(AGGM) Taliska cidamadda Amisom ee ku sugan  Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la gaaray waqtigii  Falaagada Al-Shabaab laga saari lahaa deegaanada Gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa ciidamada Amisom ee ka socda Jabuuti ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku gaarayaan degaano badan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa saaka u ruuqaansaday wadada aada degmada Buulo Burde oo ay gacanta ku hayaan falaagada Al-Shabaab. Waxaana la sheegey in ciidamadaasi ay doonayaan inay Falaagada Alshabab ka farrio maroojiyaan gacan ku haynta degmada Buulo Berde.

Taliyaha Ciidamada Amisom ee Gobolka Hiiraan Col. Cusmaan Dhubad ayaa sheegay in qorshahooda yahay sidii falaagada Shabaab uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin deegaanada gobolka,Waxaana uu sheegey inay shacabka reer hiraan ka sarayaan gumeysiga ay ku hayaan Falaagada Alshabaab.

Waxaana uu yiri “Waxaa la gaaray waqtigii kooxaha nabad diidka laga saari lahaa gobolka, oo aan ka dulqaadno shacabka culeyska heysta shacabka,waxaanuna ku rajo weynahay inaanu maalmaha soo socda ka saari doono guud ahaan degmooyinka iyo tuulooyinka ay kaga nool yihiin gobolka hiiraan falaagada Alshabaab oo hadda waqtigoogu sii dhamaanayo ”

Ugu dambeyntii ciidamada Amisom oo wata gawaarida gaashaaman ayaa shalay la wareegay deegaano ku dhow dhow magaalada Beledweyn oo horay u joogeen Shabaab. Wadada dheer ee Laamiga ee isku xirta Beledweyn iyo Buulo Burde ayaa meelo istiraatiiji ah oo dhaca deegaano buuro ah, waxaana la sheegayaa in Al-Shabaab ay difaacyo ka sameysanayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com