Nairobi: Wiil Uu Dhalay Yuusuf Xaaji Oo Dhac Iyo Boob U Geystey Xildhibaano Soomaaliyeed

0

Yuusuf-Xaaji-daily-Nation1Nairobi (AGGM) Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay weerareen kana qaateen Kumbuutaradoodii gacanta,Waxaana la sheegay in raggaas hubeysani ahayeen rag ka soo jeeda degaanka Waqooyi Bari ee dalka kiinya gaar ahaan Magaalada Gaarisa

Xildhibaannada xalay lagu weeraray magaalada Nairobi ayaa kala ahaa C/llaahi Goodax Barre iyo C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Labaduba ka tirsan Mudanayaasha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Waxaana la sheegaya inj weerarkaasi ay ka dambeyeen 3 nin oo hubeysan isla markaasna ka tirsan sirdoonka dalka Kiiniya uuna ku jiro wiil uu dhalay wasiirkii horee Gashaandhiga dalka Kiiniya Yuusuf Xaaji.

C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in rag ku hubeysnaa Bistoolado ay ku weerareen suuq ay wax ka iibsanayeen,  kadibna ay u geeysteen handadaad,  bistooladana ay ku qabteen, isagoo xusay in ay ka qaateen Kumbuyuutaradii gacanta. Waxaana uu Wasiirku sheegey inay garanayaan cidda ka dambeysay weerarkaasi iyo cidi soo abaabushay.

C/llaahi Goodax Barre Waxaaa uu yiri‘’Sadex Nin oo hubeysan ayeey ahaayeen waxey noogu soo galeen gaarigeena waxey nagu qabteen Bistoolado, waxeyna isku dayeen iney kaxeystaan Xildhibaan Xoosh, kadibna dadkii ayaa nagu soo buuqay iyagoo markaasi kadid cararay,Waxaana arrintaasi masuuliyadeeda qaadaya Xildhibaanada Soomaalida ee dalka kiiniya oo qaarkood ku lug leeyihiin weerarka na loo geystey.’’

Ugu dambeyntii weerarkan ayaa la aaminsan yahay inuu ku lug leeyahay Xasaradaha ka aloosan Magaalada Kismaayo ee xarunta jubadda hoose oo ay doonayso dawlada kiiniya inay gacanta ku galiso soomaali ka soo jeeda dhulka ilaa iyo hadda gumeysiga gacanta ugu jira ee waqooyi bari iyo Kilinka 5 aad taas oo ay dawlada soomaaliya iyo shacabkeedu ka biyo diidansan yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com