Madaxweyne Faroole '' Haddi Tol La Yahay Axmed Madoobe Aan Dhaqaale U Ururino,Aniguna Ciidan Baan Direyaa ''

0

Faroole1Australia (AGGM) Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo maalmahan ku sugnaa Wadanka Australia ayaa kulamo la qaadanayey Jaaliyadaha ee ku dhaqan wadankaasi gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Degaanada Puntland & Kilinka 5-aad & Gaarisa,Waxaana la sheegey in kulamadaasi ahayeen kuwo Madaxweyne Faroole uga warbixinayey jaaliyadaha xaaladaha dalka soomaaliya gaar ahaan gobollada Puntland iyo Jubooyinka.

Goob Jooge kulankaasi ka qayb galay oo warbaahinta Allgalgaduud u waramay ayaa sheegay in kulamadaasi ahayeen kuwo Madaxweyne Faroole kala hadlayey Jaaliyadahaasi sidii dhaqaale loogu aruurin lahaa Kooxda Raaskambooni ee magaalada Kismaayo ku sugan,waxaana la sheegey inuu halkaasi Faroole ka jeediyey khudbad ay ka muuqato caadifado Qabiil,waxaana uu sheegey inuu isagu ciidamo u direyo gobollada Jubooyinka iyadoo dhinaca badda laga gelin doono.

Goob Joogahani waxaa uu sheegey in Account dhaqaale loogu aruurinayo Axmed Madoobe la furey isla markaasna loo baahan yahay in dhaqaale baxaad leh loo aruuriyo Kooxda Raaskambooni,waxaana uu dhankiisa balan qaaday inuu Ciidamo badan oo lug ah dhinaca badda ka gelin doono Magaalada kismaayo oo uu ku tilmaamay inay soo wareereen Beelo is xuluufeysanaya.

Waxaana ka mid ahaa Hadalada Faroole ” Kismaayo waxaa inagu haysta Hawiye, Marexaan, Iyo Beelaha Yar Yar ee dega Jubooyinka,Inaga waxba laynooma Ogolla,waxaa loo baahan yahay sidii aynu iskaga difaaci lahayn canaasiirta dhulboobka wada,Anigu waxaan balan qaadayaan inaan boqolaal ciidamo hubeysan u diro kismaayo,dhaqaalahana waxaa looga bahan yahay waa idinka ”

Dr Cabdiraxmaan Faroole  ayaa la shaacinayaa inuu jaaliyadaha ugu baaqay in dagaalo hor leh ka dilaaci doonaan Kismaayo,waxaana uu dadkaasi ka dhaadhiciyey in dhulkooda laga barakiciin doono,waxaana uu ugu baaqay inay Maal iyo nafba la garab istaagaan Jabhadda Raaskambooni.

Dhinaca kale Faroole waxaa uu eedeyn kulamadaasi uga jeediyey dawlada,waxaana uu ku tilmaamay inay dawlada Maamulanayaan Beelaha Marexaan Iyo Hawiye isagoo sheegey inay isku baahaysteen inay  gobollada Koonfureed xalaal ka dhigtaan isla markaasna ay ka cirib tiraan qabiilada kale ee la dega,waxaana uu sheegey in arrintaasi looga hortagi karro in jaaliyadaha degaanada uu la kulmay ay dhaqaale ururiyaan dagaalo lagu huriyo.

Si kastey ahaataba waxaa muuqata in Dr Faroole Qaraan Axmed madoobe uga aruurinayo Magaalooyinka waaweyn ee wadanka Australiya,waxaana arrintaasi caro ka muujiyey hadallada deel qaafka ah ee uu Faroole u jeediyey beelaha soomaaliyeed,waxaana arrintani tahay mid ay dadku aad ula yaabeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com