Raisalwasaare Saacid Oo Soo Dhaweeyey Go,aan QM Ka Soo Saartey Xaaladaha Jubooyinka

0

golo-wasiro_2Muqdisho(AGGM) Raisalwasaaraha Xukumada federaalka ee Soomaaliya Dr Saacid Faarax Garaad ayaa maanta si diiran u soo dhaweeyey Go,aan Maalinimadii shalay QM ka soo saartey xaaladaha ka taagan gobollada Jubooyinka,go,aankaas oo ahaa tageero QM ku tageerayaan in dawlada soomaaliya xal kaga gaarto xiisadaha ka aloosan gobollada jubooyinka.

Waxaan uu Yiri Dr Saacid ”Waxaan si weyn u soo dhaweynaynaa warka ka soo baxay QM ee ay ku muujiyeen taageeradooda iyo sida ay u garab-taagan yihiin hawsha dib-u heshiisiinta iyo federaalaynta ee ay dawladdu hormuudka ka tahay,Waana go,aan wanaagsan oo u baahan in sida ugu macquulsan loo dar dar galiyo,”.

Dhinaca kale waxaa uu Raisalwasaare Saacid mahad u jeediyey Qaramada Midoobay isagoo uga mahadnaqay sida wanaagsan ee Qaramada Midoobay u garab taagan yihiin dawlada iyo shacabkeed isla markaasna u doonayso in dalka soomaliya iskiis cagiihiisa isugu taago,waxaana uu sheegey inay aad uga mahadnaqayaan.

Waxaan uu yiri ” “Waxaan Golaha Amaanka uga mahad naqayaa mawqifka cad ee ay nagala qaateen kuwa caqabada ku ah dib-u heshiisiinta iyo nabadeynta dalka, gaar ahaan masiirka gobolada Jubbooyinka,xalkaasi ma noqon doono Qori caaradiis,waxaanu jubooyinka ku xalin doonaan rabitanka shacabka iyo waxgaradka degaanadaasi ka soo jeeda rabitaankooda”.

Warbixintan ayaa Golaha Amaanku ka soo saareen xaalada Jubboyinka iyo xasilinta dalka guud ahaan, kadib markii uu golaha u warbixiyay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM mudane Taye-Brooke Zerihoun.  Golaha Ammaanka ayaa warbixintan ku sheegay sida ay bulshada caalamka uga go’an tahay inay tilaabo ka qaadaan cid kasta oo hor-istaagta ama caqabad ku noqota xasilinta iyo dib-u heshiisiinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii go’aanka golaha ammaanka ayaa waxay ku cadeeyeen sida ay ugu walaacsan yihiinx aalada amniga ee Jubooyinka, iyadoo dhinaca kale muujiyay inay taageerayaan doorka dowladda ee ku aadan arrimaha Jubooyinka inay ku xasiliso, isla markaana kaashaneysa go’aamadii IGAD iyo Xafiiska UNSOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com