Mareynka Oo Sheegay Inuu Hubeynayo Mucaaradka Dalka Suuriya

0

rebel_afp640London(AGGM) Dowladda Maraykanka ayaa ku eedeeysay Suuriya inay adeegsatay hubka wax gumaada ee kiimikada, kaas oo uu ku jiro sunta dhaawaca gaarsiisa xididdada Bani’aadamka.

 Warbixin laga soo saaray Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegtay in wararka sirdoonka ee ugu dambeeyay ay muujinayaan in ku dhawaad 150 ruux ay u dhinteen suntaasi kiimikada ah. Warbixintu waxay sheegaysaa in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in mucaaradka ay adeegsadeen hubka Kiimikada.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in haatan dulqaadkii Maraykanka uu dhamaaday oo madaxweyne Obama uu go’aansaday in taageero militeri uu siiyo mucaaradka la dagaallamaya dowladda Suuriya. Aqalka Cad ma sheegin nooca ay noqon karto taageeradaasi. Dowladda Suuriya ayaa dhowr jeer oo hore beenisay inay adeegsatay hubka kiimikada.

Hadalkan dowladda Maraykanka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ugu yaraan 93,000 oo ruux lagu dilay dalka Suuriya tan iyo markii ay billowdeen dagaallada halkaas ka socda. Tiradan ayaa 30,000 ka badan tii la shaaciyay bishii koowaad ee January, iyadoo ugu yaraan 5,000 oo ruux ay maalin kasta ku dhintaan dalka Suuriya . Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in tirada dhimashada ay intaas ka badan tahay, iyadoo dadka dhintay qaarkood aan la diiwaan gelinin.

Si kastey ahaataba waxaa dalka Suuriya ka socda dagaalo culus oo mudo 3 sano ku dhaw u dhexeyey  ciidamada dawlada iyo kooxaha mucaaradka ah mana jiraan cid isku hawshay inay labada dhinac si toos ah ugu kala dab qaado,waxaana dhibaato lixaad leh ka soo gaartey maalayiin reer Suuriya ah kuwaasi oo qaxooti ahaan daafaha caalamka ugu kala daadsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com